Gattuso” Marna ismaan lahayn AC Milan waxaa Jooga Xiddig leh Xirfada Hakan Calhanoglu”

Macalinka kooxda Kubada Cagta AC Milan Gennaro Gattuso ayaa amaan dusha kaga raray Cayaaryahankiisa dalka Turkiga ee Hakan Calhanoglu kaas oo uu ku sheegay in uu yahay Cayaaryahan dhamaytiran.

Gennaro Gattuso” Markii aan Milan imaanyey marna ismaan lahayn waxaa kujira Cayaaryahan leh Xirfad dhamaystiran waan ka helay waana Hakan Calhanoglu sidaa waxa uu ka sheegay Shir Jaraa id oo uu Saxaafada u qabtay Jimcihii.

Hakan Calhanoglu ayaa ku soo bilaabanayey shan kulan oo Xiriir ah oo aan AC Milan laga badin Horyaalka Talyaaniga Goolal ayuu dhaliyey kuwana waa Caawiyey aad ayuuna u kasbaday sida muuqata Kalsoonida Macalinkiisa.

AC Milan ayaa Sabtiga shanta Galabnimo Garoonkeeda ku booqan doonta Naadiga SPAL 2013 waxaana Shirkii jaraa id ee Gennaro Gattuso uu ku sheegay in uusan Cayaartaas dheeli doonin weeraryahankiisa Kalinic isla Markaana uu ku soo bilaaban doono Andre Silva kaas oo uu kula dar daarmay in uu Goolal dhaliyo si uu keydka uga baxo.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook