Gerard Pique oo ganaax garka loo gelin doono

Daafaca dambeedka dhexe ee kooxda Barcelona Gerard Pique ayaa laga yaabaa in ganaax garka loo geliyo.

Wararka kasoo baxaya dalka Spain ayaa soo jeedinaya in laga yaabo in Gerard Pique la ganaaxo kulamo u dhexeeya hal illaa seddax kulan.

Gerard Pique ayaa wuxuu ganaaxaan ku muteystay dabaaldeggii uu sameeyey markii uu shabaqa kasoo taabtay kooxda Espanyol.

Pique ayaa fartiisa faruuryaha saaray, si uu ugu tilmaamo taageereyaasha kooxda Espanyol inay aamusaan ka dib markii uu goolka barbardhaca u dhaliyey kooxdiisa Barcelona Isbuuc dhammaadkaan.

Xiriirka kubadda cagta Spain ayaana u xilsaaray Guddiga la dagaalanka qalalaasaha inay tallaabo ka qaadaan Pique oo haatan la filayo inuu ganaax hal illaa seddax kulan ah la kulmo, sida laga soo xigtay majaladda Marca.

Dhanka kale, xiddiga qadka dhexe ee Barcelona Sergi Roberto ayaa wuxuu saxiixi doonaa qandaraas cusub ka dib lugta koowaad ee wareegga 16ka tartanka UEFA Champions League ay 20ka bishaan Febraayo ku wajahayaan Chelsea.

Qandaraaskiisa cusub ayaa wuxuu dhici doonaa 2022ka, iyadoo lagu burburin karo 500 milyan oo euros, sida laga soo xigtay majaladda El Mundo Deportivo.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook