Haddii aad Emailkaan Furto Lacagta Bankiga kugu jirta waa maqan tahay

DNB wuxuu xaqiijinayaa in macaamiishu ay lumin karaan xisaabtooda haddii ay ka jawaabaan fariimahaan.
In laysku dayo in dadka lagu qiyaaneeyo kaararka loo yaqaan kredittkort ama si kale iyadoo la isticmaalayo emailo been ah ma ahan wax cusub laakiin waxaa hadda cusub ayaa ah mawjad qaab kale oo abaabulan.

Todobaadyadii ugu dambeeyey fariimo emailo fara badan oo sida ka muuqata ka imaanayey Nettflix ama shirkado kale oo loogu sheegayey macaamiishiisa in ay cusboonaysiiyaan macluumaadkooda lacag bixinta ayaa lasoo dirayey, waxaana dadka looga digayaa inay ka jawaabaan dalabkaas oo ah mid la rabo in lagu musuqo hantidooda.

Qoraaladaan ayaa ku qoran af norsk luuqadiisu wanaagsan tahay mararka qaarna laga soo dirayo shirkado la yaqaan iyadoo Nettavisen uu arkay in qaar ka mid ah ay ka yimaadeen shirkad garyaqaan oo la garanayo.

Dadka soo diraya emailadan waxay heli karaan xogtaada bankiga (nettbank) isla marka aad gujiso lifaaqa emailka laguu soo diray ku xiriirsan, taasoo markaas kadib ay ku guulaysan karaan inay wixii kuugu jira oo lacag ah la baxaan.

Bankiga DNB lataliye ka tirsan oo lagu magacaabo Cecilie Skjennald ayaa sheegtay in arrimahan oo kale aysan ku cusbayn bankiga oo ay horey u soo dhacday.

HALKAN KA AQRI SHEKADAN

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook