Halkee kasoo bilowday Khilaafka Jabhadaha qabaa’ilka Itoobiya?

Markii dhidibada loo taagayo urur Jabhadeed, waxaa lagama marmaan ah In lagu saleeyo afkaar ama mabda’a, kaas oo ku qotoma wadaniyad ka turjumaysa siyaasad loo dhanyahay iyo aragti dheer.

Haddii labadaas la waayo, dadaalka iyo juhdiga ku baxaya Jabhada wuxuu noqon sidii hal baacad lagu lisey.

Maxay ku aas aasmeen Jabhada qabiilka ku dhisan ee Itoobiya?

Taliiskii kaligii taliiska ahaa Dergiga loogu yeeri jiray, uu hogaaminayey Mingiste, ayaa kula kacay xasuuq iyo barakicin qeybo ka mid ah qabiiladii Itoobiya sida Tigreee, Oromo, Amaxaaro, Eriteriya, Soomaali iyo qolyaha Koonfurta dhibatadaas ayaa waaxay sababtay curashada Jabhadaas hubeysan, in ay ka curtaan geyiga dhul weynaha Itoobiya.

Halkee ka heli jireen taageerada?

Jabhadaas ka jiray Itoobiya ayaa waxaa intooda badan taakuleen dhaqaale iyo saanad military ka heli jireen wadamada Masar iyo Soomaaliya, gaar ahaan Jabadaha TPLF(Jabhadii Tigreeega ) ELF (Jabhadii Eritariyaanka ) & ONLF ( Jabhadii Soomaalida). waxaa si hagar la’aan u taakuleyn jiray kacaankii Soomaaliya, waxayna ahayeen Jabhadihii ugu xoogana ee ka jiray Itoobiya, looguna hor aasaaasey.

Mabda’a ay ku dagaal galayeen

Jabahadii ka jiray dalka Itoobiya way kala mabada’ gedisanayeen, Jabhad walba waxay laheyd mabda’ u gaar ah oo ay ka duulayeen, wax kaliya ee mideeyey waa dagaalka ay kula jireen taliskii Dergiga. Marka laga reebo labada Jabhadood Soomaalida & Eritariyaanka ayagu aamin sanaa aragti ah gooni-goosad, inta kale sida tii Oromada (OPDO) tii Amaxaara (ANDM) tii Dadyowga Koonfurta (SEPDM) iyo tii Tigreeega (TPLF).

Waxay qabeen in la dhiso dowlad guud Itoobiyaa una taagan danaha dadka Itoobiya. Ayagoo kula duwan fikir hoosaadka qabiilka ee ah in qabiil walba u madax banaanaado degaankiisa.

Midowgii 4-ta Jabhadood ee isku aragtida dhawaa

Markuu daba dheeradey dagaalkii ay kula jireen Jabahada Itoobiya taliskii Mangiste, lagana adkaan waayey ayaa waxa ay fursanweyday in Jabhaduhu mideeyeyaan cududooda, gaar ahaan kuwa isku aragtida dhow, waxaa banaanka ka ahaa midowgaas Jabhadaha Eritrea iyo Soomaalida ayagu aamin sanaa fikir gooni goosad. Jabhadaha OPDO, ANDM, SEPDM iyo TPLF ayaa ku midowbay Jabahada EPDRF (Jabhada kacdoonka dadka Itoobiya).

Aragtidii ay ku dhisneyd dalada Jabhada EPRDF

Jabhadaha ay ku mideyn sanayeen 4 ka mid 6 Jabhadood ee ka jiray dalka Itoobiya. waa xisbi muxaafidka talada Itoobiya soo hayey tan iyo 1991, wuxuuna haystaa aqlibiyada golaha sharci dajinta Itoobiya 90% (500/547). Jabhada EPRDF ayaa waxay ku dhisneyd labo aragtiyood.

Self determination: oo ah in qabiil awalba leeyahay iqtiyaar siyaasadeed xor ah , ayadoo aysan jirin qasab dibadeed, arimha gudaha degaankiisana u madax banaanyahay.

Marxism & Leninism: waa fikradda siyaasadeed ay ku dhaqmi jireen Xisbiga Midawga Soofiyeet iyo nidaaamkii shuuciga waxaana curinteedii iska lahaa Karl Marx iyo Friedrich Engels, waxaana sii hormariyey taageerayaashooda nidaamkii shuuciga.

Argtidaan waxay ku saleeysantahay in la afgambiyo kacaanka ayadoon la badalin taliska bukaan socodkaa ayadoo talada dalkana ay gacanta ugu jirayso kooxda kacdoonka.

Ridistii taliskii Mangiste.

Markii xukunka laga tuuray taliiska Dergiga, waxaa dalka Itoobiya gacanta ku dhigay Jabhadii EPRDF ayagoo ku dhawaaqay nidaam Federaal ah in ay Itoobiya qaadan doonto si loosoo xareeyo Jabhadaha gooni-goosadka, Jabahadii Eritrea ee uu hogaanimayey siyaad aftarwiqi gaashaanka ayuu u duruuray aragtidaas ay soo jideesay Jabhada EPRDF taas oo sababtay in dagaalo badan dhexmaro labada Jabhadood taasoo ugu dambeyn kusoo afjarmatay in Eritrea loo aqoonsado wadan madaxbanaan.

Lakiin dhanka kale Aragtidaas waxaa qaatay qeyb ka mid ah Jabhadii Soomaalida galbeed ONLF ama WSLF in ay ka qeyb noqdaan dowlada Federaalka ee Itoobiya.

Heshiis hoosaadkii qarsoonaa Jabhada la wareegtay talada Itoobiya EPDRF

Waxaa jiray heeshiis hoosaad ay dhigteen 4-ta Jabhadood ee ku midoobay Jabhada xukunka haysa.

1. In Jabhad walba xisbi noqoto, hal xisbi guudna la sameeyo.
2. In talada xisbiga iyo dalkaba midba mar hayo. ayadoo loo kala horeenayo sida u kala horeyeen aasaaska Jabhadaha.
3. Kuraasta Jabhad walba ku yeelanayso golaha shacabka ay ku xiraan doonto tirada guud qabiilka ay matasho.
4. In Jabhadii kusoo biiraysa xisbiga guud laga helo 6,000,000 qof saxiixood. Magaca Jabhadeedna ay iska badasho.

Tusaaale Jabhadii Soomaalida ee ONLF ama WSLF waxaa lagu badalay magaca ah DOWLAD DEGAANKA SOOMAALIDA ITOOBIYA.

Heeshiiskaan ayaa u ogaaladay in Jabhada Tigreeega TPLF la wareegto hogaanka xisbiga iyo dalka, waxaana loo doortay gudomiyaha xisbiga & Ra’iisul wasaraha dalka Meles Zenawi, kaasoo hayey mudo dhowr iyo laabatan sano.

Afgambiigii dahsoonaa ee Jabahada Tigreeega

Jabhada Tigreeega oo ah aheyd qabiilka ugu dadka yar uguna dhulka yar dalka Itoobiya, ayaa sameysay afgambi qarsoon ayadoo si tartiib ah ula wareegtay dhamaan awoodii dalka, gaashaan buursina la sameysatay qabiilada banaanka ka ah Jabhada xisbiga talada haysa, gaar ahaan waxay soo dhaweysatay Soomaalida, ayadoo dhanka kale ka dhaadhicisey saddexdii Jabhadood ee kula jiray xisbiga in il- gaar ah lagu hayo Soomalida, intay arintaan ku mashquulsanayeen baa Jabhada TPLF awoodii dalka sifiican gacanta ugu dhigtay.

Markii ay kusoo baraarugeen Jabhadihii kale ayagoon waxba gacanta ugu jirin, bay bilaabeen isbaheysi ka dhan ah TPLF. Jabhada TPLF ayaa ku guuleystay in ay dhankeeda usoo jiido Jabhada Dadyowga Koonfurta taasoo ka dhigeysa awood isku dheeli tiran, oo ah labo garab oo isla’eg.

Waxay sidoo kale Jabhada TPLF soo jeedisey qorsha in lagu soo dari karo Soomalida xisbiga talada haya ayna tartami karaan jagada ugu sareysa dalka.

Laakiin, qorshahaas waxaa ka horyimid Oromada & Amaxaraada oo u arkey qorshe ayaga ka dhan iyo TPLF wada gashaan buuraysi, halkaas waxaa ka dhasshay dagaal iyo naceyb ka dhex qarxay Soomaalida iyo qabiilada Oromada iyo Amaxaarada.

Geeridii Meles Zenawi iyo kacdoonkii Oromada.

Markuu geeriyodey Meles Zenawi ayaa waxaa fursad u arkay geeridaas labada qabiil ee ugu dadka badan waa Oromada iyo Amaxaarada ay kaga xoroobi karaan gumeysiga Tigreeega, nasiib darro waxay ilaaween inuu jiro heeshiiskii qarsoona ay dhigteen kasoo dhigayey in talada xisbiga iyo dalka loo qabanayo sida aasaaskii Jabdaha u kala horayeen, taasoo fursad u siisay in Jabahada Dadyowga Koonfurta ay la wareegto talada xisbiga iyo dalka waxaana saas raysulwasaare iyo gudomiyaha lagu doortay Heilla Mariam Deseleh.

Laakiin, wali waxaa daaha gadaashiisa dalka ka maamulaya Jabhada Tigreeega, Arintaas waxaa kacdoon ka sameeyey Oromada iyo Amaxaarada ku andacooday in talada dalka ay xaq u leeyihiin in hogaamiyaan.

Madaxweynaha Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa gashaanka ku dhuftay asagoo ku hanJabay in ay goosan-doonan haddii talada dalka loo dhiibo Oromo iyo Amaxaaro. Arintaas ayaa waxay sababtay dagaal dhex mara qabiilada oodwadaagta Oromada iyo Soomaalida.

Iscasilaadii Hailemariam Desalegn

Dadka siyaasada Itoobiya sida dhow ula socda ayaa sheegaya in xisbiga TPLF ee Tigreeega talada dalka Itoobiya xooga ku haysatay tan iyo 1991-kii uu doonayo in uu ku dhawaaqo qodobka 39-aad ee qaanuunka dalka Itoobiya kaasoo u ogolaanaya maamulada qawmiyadaha ku dhisan ee dalka Itoobiya sida gobolka Tigreega iyo gobolka Soomaalida in ay ku dhawaaqi karayaan in ay ka go’aan dalka Itoobiya oo ay dal gooni u taagan noqdaan, kadib markii qoomiyadaha Amaxarada iyo Oromada caqabad ku noqdeen taliskii Tigreeega, ayagoo kabaqaya haddii lagala wareego xukunka in lagu xadgubo qoomiyada Tigreeega.

Sidoo kale, dowlada degaanka Soomaalida ayaa sheegtay haddii xukunka loo dhiibo Oromo ama Amaxaaro inay goosan doonan.
Xalaada Itoobiya hada meel cakiran ayay maraysaa waxa qarxay cadho raagtay oo wakhti dheer soo socotay.

Qaabka wadanka iyo sida awooda iyo dhaqaalaha wadanku ugu jiro gacmo kooban.

Waana su’aasha dadka Itoobiya ay doonayaan in jawaab dagdag ah loo helo anigu macno wayn ilama aha in ay keenidoonto Kabixitaanka uu meesha ka baxay Hailemariam Desalegn.

Cid kasta ha timaado anigu ma arko xal dagdag ah ilaa awood qaybsi dhab ah la sameeyo iyo khayraad ka dalka oo si cadalad ah loo qaybsado taasina hada in ay dhacayso uma muuqato.

In Damake Mokonen oo hada ah Raiisul Wasaare kuxigeen uu sii hayo ilaa doorashada laga gaadhayo laba caqabadoona way ka hor iman doonana Waa Muslim walina taariikhda Itoobiya qof Muslim ah ma qaban jagada dalka ugu saraysa taasina waxay noqondoonta in siyaasadii Itoobiya ay waxbadan iska badalaan.

Waxa kale oo ay ku adkaan doonta in ay qoomiyada Oromadu oo ah ta ugu tirada badan dalka Ethiopia oo ah tan hogaaminaysa kacdoonkan hada socda isla markaasna waxbadan tirsanaysa ay ku adkaado iney liqaan in qof amxaar ah uu markale wadanka qabsado iyaga oo wax badan ka tirsanaya qomiyadaas wakhtiyadii ay wadanka soo maamulijireen.

Lema Megersa oo ah Madexwaynaha Oromada oo ah hada shaqsiga ugu awooda badan Itooobiya wakhtiga xaadirka Lema waxa uu haystaa taageero shacab oo dhanka Oromada ah inkasta oo iminka dad badan oo Itoobiyaa ah ay u aqoonsanyihiin geesiga u dhashay dadwaynaha Itoobiya dadbadan ay ku tageereen qaabka an gabashada lahayn ee uu ula dagaalamay ugana soo horjeedsaday in ay qoomiyada Tigreeegu ay waxkasta gacanta ku hayaan.

Isaga waxa ka hor imankara in ay TPLF ta iyo qayb ka mid ah Amxaarada oo aad uga cabsi qaba in awoodu ay gacanta u gasho Oromada.

Hadaan soo koobo laba mid filo Damake ama Lema, waxaana in luuqada koowaad dalka Itoobiya laga dhigo mida Oromada haddii ay talada dalkaan qabtaan.

W/Q: Mohamud Ahmed Said (Mass).

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook