Hogaamiyihii Mucaaradka Zimbabwe Morgan Tsvangirai oo geeriyooday

Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka dalka Zimbabwe Morgan Tsvangirai ayaa la xaqiijiyay in uu ku geeriyooday dalka Koonfur Afrika oo mudooyinkii ugu dambeeyay uu ku xanuunsanayay.

Sargaal sare oo katirsan Xisbiga Mucaaradka uu hogaaminayay Morgan Tsvangirai ayaa u xaqiijiyay Warbaahinta geerida Hogaamiyahan oo caan ka ahaa dalka Zimbabwe xilal kala duwana horey uga soo qabtay.

Morgan Tsvangirai oo 65 sano jir ah ayaa u geeriyooday Kansar mindhiciraha kaga dhacay, waxa mudooyinkii ugu dambeeyay kunoolaa dalka Koonfur Afrika uu u joogay daaweynta cudurka ku dhacay.

Hogaamiyahan ayaa horey usoo noqday Ra’isul Wasaaraha dalka Zimbabwe, waxa uu hada ahaa hogaamiyaha ugu weyn mucaaradka dowlada Zimbabwe, waxaana ninkan lagu xasuustaa sidii uu uga soo horjeeday dowladii Robert Mugabi.

HALKAN KA AQRI SHEKADAN

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook