Isku aadka FA Cup-ka wareegiisa quarter finalka oo la sameeyay

Isku Aadka koobka FA Cup-ka wareegiisa quarter finalka ayaa la sameeyay, waxaana kala badbaaday kooxaha waaweyn ee isugu soo haray tartanka,waxaana la filayaa in semi final holac ah uu soo baxo hadii ay soo wada gudbaan.

Manchester United ayaa ku beegantay kooxda Brighton and Hove Albion ee ka ciyaarta heerka koowaad, halka Chelsea ay kulan adag heshay maadaama lagu beegay Leicester City – mana ahan kulan fudud.

Southampton waxey sugi doontaa kooxdii soo baxda Wigan Athletic iyo Manchester City oo wada balansan dhawaan, sidoo kalana Swansea City iyo Sheffield Wednesday ayaa isku beegan kooxdii soo baxdana waxey ku aadi doontaa Rochdale ama Spurs.

ISKU AADKA OO DHAMEYSTIRAN:

Wigan or Manchester City v Southampton

Leicester v Chelsea

Manchester United v Brighton

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook