Liverpool Oo 5-0 kuxasuuqday Porto +SAWIRRO

Liverpool ayaa xasuuqday Porto kulanka lugta hore wareega 16-ka Champions League iyadoo waliba marti ah, waxeyna aad ugu mahad celinayaan Sadio Mane oo sadexley shabaqa soo taabsiiyay.

Liverpool waxey aheyd kooxda mar walba maamuleysay kulanka iyadoo joogta waliba minan kale, waxaana looga mahad celinayaa Jurgen Klopp.

GOAL: Daqiiqadii 25-aad: Sadio Mane ayaa shabaqa soo taabtay isagoo kubad joog hoose goosha aadiyay, goolhayaha ayaana qalad sameeyay oo ay ka hoos baxday.

GOAL: Daqiiqadii 29-aad: Mohamed Salah ayaa si fiican u qurxiyay kubad markii hore birta kaga dhacday Milner, si fiican ayuu goolhayaha uga xariiftamay ka hor inta uusan shabaqa dhex dhigin.

Qeybta hore waxaa lagu kala baxay 2-0, Reds ayaanahalkeedii kasii amba qaaday sidii ay ula falgaleysay kulanka.

GOAL: Daqiiqadii 53-aad: Sadio Mane ayaa dhaliyay goolkiisii labaad ee kulanka isagoo caawinaad ka helay Roberto Firmino.

GOAL: Daqiiqadii 69-aad: Roberto Firmino ayaa si fudud u dhameystiray kubad uu si joog hoose ah usoo dhigay xerada ganaaxa James Milner.

GOAL: Daqiiqadii 85-aad: Sadio Mane ayaa dhameystiray sadexley kulankiina wuxuu ka dhigay mid ay Liverpool lug la gasho wareega quarter finalka.

Natiijada waxey ku dhamaatay 5-0, oo ay guul ku gaartay Liverpool – waana kooxda goolasha ugu badan ku badisay ilaa iyo haatan wareega 16-aad.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook