Man United & Sevilla oo barbaro ku kala baxay +SAWIRRO

Manchester United & Sevilla ayaan wax gool ah iska dhalin qeybta hore kulanka lugta hore wareega 16-ka Champions League iyadoo David de Gea uu noqday kan kaliya ee badbaadiyay kooxdiisa.

Red Devils uma muuqan koox isla heysata qeybta hore oo dhan, kaliya hal kubad oo uu goosha ku tuuray McTominay ayey sameeyeen, mana aheyn mid halis badan galisay goolka.

Sevilla waxey saareen cadaadis aan caadi aheyn goolka Red Devils, goolhaye David de Gea ayaana badbaadiyay sadex kubad oo aan caadi aheyn.

Luis Muriel ayaa ahaa xiddiga helay fursadii ugu dambeysay oo aheyd middii ugu qaalisaneyd, balse De Gea ayaa si cajiib leh kaga badbaadiyay.

Qeybtii labaad halkeedii ayey kasii amba qaaday Sevilla iney cadaadis xoog leh saarto Red Devils, waxeyna aheyd kooxda badi heysatay kubadda inkasta oo aysan helin wax gool ah.

Sandro Ramirez oo badal kusoo galay kulanka ayaa helay fursad fiican, balse ugama faa’ideynin kooxdiisa.

Natiijada waxey ku dhamatay 90-ka daqiiqo gool la’aan (0-0), labada kooxood waxey u baahan yahiin iney lugta labaad sugaan wixii kasoo baxa.

Dhinaca kale Shakhtar Donetsk ayaa 2-1 kaga badisay Roma iyadoo marti loo yahay, waxeyna labada gool ka heleen Facundo Ferreyra iyo Fred, fursad fiican ayeyna u heystaan iney quarter finalka gaaraan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook