Manchester City oo gurigeeda ku xasuuqday West Brom +SAWIRRO

Manchester City ayaa ku raaxeysatay guul muhiim ah oo ay ka gaartay West Bromwich Albion iyadoo De Bruyne, Fernandinho iyo Aguero ay kala qeybsadeen sadexda gool oo ay ku badiyeen.

Fernandinho ayaa bilaabay bandhigga goolasha Citizens kaas oo qeybtii hore ciyaarta soo taabtay shabaqa Baggies, balse qeybtii labaad ee ciyaarta ayey kooxda hogaamineysa Premier League dhalisay laba gool oo ay kaga mahad celineyso Kevin De Bruyne iyo Sergio Aguero.

Citizens faa’ido badan ayey ku qabtaa natiijooyinkii kulamadii horyaalka Premier League madama ay guuldaro la kulmeen kooxahii kusoo xigay ee Man United & Chelsea, waxeyna taasi ka dhigan tahay iney haatan horyaalka hogaankiisa ku hayaan 15-dhibcood.

XOGTA KULANKA:

Manchester City: Ederson; Walker, Laporte, Otamendi, Zinchenko; Fernandinho, De Bruyne (Diaz 78), David Silva (Gundogan 40); Sterling, Aguero, Bernardo Silva

Goals: Fernandinho 19, De Bruyne 68, Aguero 89

Jaale: David Silva

badal aan la adeegsan: Bravo, Danilo, Kompany, Adarabioyo, Toure

West Brom: Foster; Nyom, McAuley, Dawson, Hegazy; Yacob, Krychowiak (Barry 33), Field (Phillips 55), McClean; Rodriguez, Rondon (Sturridge 78)

Jaale: McClean, Rondon, Phillips

badal aan la adeegsan: Myhill, Brunt, Burke, Harper

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook