Manchester City Oo Guul Muhiim Aheyd Ka Gaartey Basel+SAWIRRO

Manchester City ayaa xasuuqday dhigeeda Basel kulan ay marti ku aheyd garoonka St Jakob Park, waxeyna durba sii go’aamiyeen ugu badnaan iney wareega xiga tikidh u goosteen.

Afar gool oo ay qeybsadeen Ilky Gundogan, Sergio Aguero iyo Bernardo Silva ayaa guul weyn siiyay Citizens, oo min bilow ilaa dhamaad ciyaarta maamulka u heysay.

GOAL: Daqiiqadii 14-aad: Ilky Gundogan ayaa shabaqa gaaray markii uu si adag u madaxeeyay kubad ka tirmid koornada, wuxuuna muujiyay inuu dhinac walba gool u dhalin karo.

GOAL: Daqiiqadii 18-aad: Bernardo Silva ayaa shabaqa soo taabsiiyay kubad qurux badneyd, wuxuuna xidigaan muujiyay inuu u qalmo mar walba safka hore ee kooxda.

GOAL: Daqiiqadii 23-aad: Sergio Aguero ayaa shabaqa soo taabtay, wuxuuna ka toogtay shabaqa xerada banaankeeda.

GOAL: Daqiiqadii 53-aad: Ilkay Guendogan ayaa shabaqa soo taabtay, kadib markii uu caawinaad ka helay Aguero, xidiga reer Jarmal ayaa goolkiisii labaad dhaliyay.

Natiijada waxey noqotay mid ay 4-0 guul ku gaarto Citizens, bisha Maarso ayaa lagu ciyaari doonaa lugta labaad garoonka Etihad Stadium.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook