Manchester United Oo Dharbaaxo Xoogan Kala Kulantay Newcastle +SAWIRRO

Kooxda Newcastle United ayaa guul muhiim u ahayd ka gaartay naadiga Manchester United oo ay ku soo dhaweysay garoonkeeda St James’ Park kulan ka tirsan horyaalka Premier League.

Intii lagu guda jiray qeybtii hore ee ciyaarta Man United iyo Newcastle ayaa ku guuldarreystay inay goolal iska dhaliyaan.

Newcastle United ayaa ku andacooday 45-daqiiqo ee hore intii lagu guda jiray inaan loo dhigin dhowr qalad oo ay galeen xiddigaha Man United, waxaana ka mid ah ahaa mid ay ku cawdeen inuu ahaa rigoore, oo xiddig ka tirsan ayuu Smalling ku jilaafay xerada ganaaxa.

Dhinaca kale Manchester United oo marti ahayd ayaa iska lumisay fursado ay goolal ku dhalin kareen fursadaha ugu cajiibsanaana waxaa ka lumiyey Martial iyo Lukaku.

Si kastaba ha ahaatee, kulankii ka dhacay garoonka St James’ Park ayaa qeybta hore lagu kala nastay barbaro 0-0.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad Newcastle United oo marti loo ahaa ayaa la timid goolka qura oo ay guusha ku qaadatay, waxaana u dhaliyey 65’daqiiqo Matt Ritchie.

Laad xor ah oo la soo qaaday, isla markaana uu madax ku wareejiyey mid ka mid ah xiddigaha Newcastle waxaan si wacan u sii wareejiyey Dwight Gayle, ka hor inta uusan shabaqa ku tolin Matt Ritchie.

Man United ayaa isku dayday inay ugu yaraan goolkaas iska soo gudo laakiin dhowr fursadood ayaa laga beeniyey oo ay u weynayd kubbad uu isagoo xerada ganaaxa ku jira labo goor oo isxigtay laaday Martial, balse ay ka soo saareen difaaca Newcastle.

Kulankii ka dhacay garoonka St James’ Park ayaana Man United looga adkaaday 1-0.

Kadib kulankii Guuldarada ay kala kulantay Manchester United kooxda Newcastle United ayaa waxaa lasoo saaray waxyaabihii laga bartay Cayaartaas ee ahaa wixii ugu xiisah badnaa.

Hadaba Maxaa ugu xiiso badnaa oo aan ka baranay kulankii Newcastle United iyo Manchester United?

1 Macalin Jose Mourinho ayaan weligiis Guul ku gaaarin Garoonka St James’ Park Cayaar Premier League ah waxaana ay tii Maanta ka mid ahayd Guuldarooyinka uu Caadeystey ee Garoonkaas 7 Mar oo uu Garoonkaas ku Cayaaray Mourinho weligii kuma badin 3 Bareejo ayuu ku galay 4 na waa looga badiyey.

2 Benitez ayaa Jose Mourinho ka badiyey Markii 6 aad waana Macalinka labaad ee uu kala kulmay Guuldarooyinka ugu badan kaliya waxaa ka sareeya Pep Guardiola oo Mourinho ka badiyey 9 Mar.

3 Newcastle United ayaa Markii koowaad Guul ku gaartay Garoonkeeda 9 Kulan oo ay ku dheeleen 3 bareejo ayey ku galeen 5 na waa lagu Garaacay waxaana Guul ay ku Gaaraan ugu danbeysey kulan ay ka badiyeen Crystal Palace bishii October.ee Sanadkii tegay.

4 Manchester United ayaa laga badiyey kulankii 5 aad ee Horyaalka Premier League ah Xiligaan waxayna lasinmeen dhamaan intii laga badiyey Xiligii la soo dhaafay.

5 Cayaaryahan Ritchie ayaa soo afjaray 49 Shuut oo uu Sameeyey Xiligaan oo uusan marna Gool ku dhalin waxaana uu ahaa Xiddigii dhaliyey Goolka qura ee looga badiyey Manchester United.

6 Cayaaryahan Gayle ayaa ku lug yeeshay 2 Gool oo Newcastle United ka dhalisey Manchester United kii Old Trafford isagaa dhaliyey kii ay hada kaga badiyeena isaga ayaa ku dhiibay.

7 Red Devils ayaa badisay 1 kulan oo kaliya 9 Cayaarood oo Gool lagala hor maray Xiligaan Horyaalka Premier League 3 bareejo ayey gashay 5 Na waa lagaraacay Newcastle United ayaana ahayd kooxda kaliya ee inta Gool kala hormartay ay ka badiyeen bishii November.ee Sanadkii 2017 4-1 ayeyna kaga badiyeen.

8 Sadex Cayaaryahan oo Manchester United ah ayaa Xiligaan Jaale lagu siiyey markii ay been dhulka isugu tuureen kuwaas oo kala ah (Valencia, Herrera, Smalling), Waxaana lamid ah Bournemouth.oo sidoo kale sadex Xiddig Jaale lagu siiyey istuuritaan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook