Milkiilaha kooxda Chelsea oo qalbiga u qaboojiyay tababare Antonio Conte

Milkiilaha kooxda Chelsea Roman Abramovich ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in la ceyrin doono tababare Antonio Conte.

Wargeyska The Sun ayaa sheegaya in Blues ay dooneyso inay kamid noqoto afarta kooxood ee ugu sareysa Premier League, taasna ay ku qasbeyso Abramovich inuusan qaadan go’aano deg deg ah.

Tababaraha kooxda Chelsea Conte ayaa sheegay inuu shaqo adag qabanayo waqtigaan, laakiin wuxuu ugu baaqay maamulka Blues in ay qaataan go’aan kale haddii aysan ku qanacsaneyn shaqada.

Tababarihii hore ee Barcelona Luis Enrique ayaa lala xiriirinayaa shaqada Conte, Laakiin Blues ayaa ku adkeysaneysa inaysan xiriir la laheyn macalinka Catalon.

Conte ayaa 18 bilood kaga haray qandaraaskiisa Chelsea, waxaana uu sheegay inuu doonayo sii joogista kooxda Blues.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook