Paul Pogba iyo macalinkiisa Mourinho oo isku dhacay

Ciyaariyahanka khadka dhexe ee Manchester United Paul Pogba ayaa u adkeysan waayay fashilka joogtada ah ee uu ku dhex-jiro isagoo si cad ugu sheegay inuusan la qabsan karin xeeladda uu haatan ciyaaro.

Paul Pogba wuxuu ku yimid Old Trafford aduun dhan 89 Malyan oo Pound, wuxuuna mar noqday saxiixa ugu qaalisan dunida, walow uusan wax badan ku nagaan, xilli ciyaareedkii hore si qurux badan ayuu kooxdiisa uga soo muuqday xilli ciyaareedkii hore.

Pogba haatan wuxuu ku jiraa xaalad xun, sidoo kalana laba jeer ayaa laga soo saaray ciyaaraha kooxdiisa taasoo ka dhigan inuu ku fahsilmay inuu la qabsado xeeladda cusub ee macalinka reer Portugal.

Daily Record ayaa qireysa in Paul Pogba uu la hadlay macalinkiisa isagoo u sheegay inuusan gudan karin waajibaadka daafaca, sidoo kalana uusan ciyaari karina hanaanka daafaca.

Ryan Giggs iyo Henry ayaa isku raacay in Pogba uu ku haboon yahay hanaanka weerarka sidoo kalana uusan ku wanaagsaneyn dhanka daafaca inuu ka qeyb galo.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook