Paul Pogba oo Salaadii Jimcaha ku tukaday mid ka mid ah Masaajidda Magaalada Manchester+ SAWIRRO

Laacibka kooxda kubadda cagta Manchester United ee Paul Pogba ayaa dhowr sawir laga qabtay isagoo sii galaya mid ka mid ah Masaajidda ku yaala Magaalada Manchester, si uu ugu tukado salaadii Jimcaha.

Xiddiga xulka qaranka Faransiiska ayaa ku labisnaa qamiis, waxaana Salaadii Jamaacada uu Jimcihii ku tukaday mid ka mid ah Masaajidda ku yaala Magaalada Manchester.

Laacibkan haysta Diinta Islaamka ee khadka dhexe uga ciyaara koxoda Manchester United ayaa markii uu salaadda soo tukaday Jimcihii kaddib waxa uu wadahal la qaatay qaar ka mid ah culumadii Masaajidka.

Sida wararku ay sheegayaan Pogba waxaa salaadda Jimcaha ku wehliyey oo la socday qaar ka mid ah saaxiibadiisa muslimiinta ah.

24-sano jirkaan oo haysta Diinta Islaamka ayaa waxa uu Soonkii la soo dhaafay ku soomay Magaalada barakeysa ee Makah Al-Mukarama.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook