Qarax xoogan oo goor dhaw ka dhacay Duleedka Magaalada Boosaaso

Ciidamo ka tirsan Kuwa Maamulka Puntland ayaa maanta Qarax lagula eegtay Duleedka Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobalka Bari sida ay ku waramayaan ilo wareedyo ku sugan puntland

Askartan oo ku sii jeeday Magaalada Boosaaso ayaa lagu Weeraray Qarax miino oo dhulka lagu aasay, kaasi oo sida la sheegay Sababay khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac walow saaraakiisha ciidamada puntland ay ka gaabsadeen in ay tafaasiil dheeri ah ka bixiyaan

Ilo dadka deegaanka oo ka ag dhawaa halka uu qaraxaasi ka dhacay ayaa inoo sheegay in tiro Askar ah ay ku Dhaawacmeen qarax ciidamada Puntland lagula eegtay inta u dhaxeysa deegaanada Sugurre iyo Galgalo ee duleedka magaalada Boosaaso.

ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxaasi lagu weeraray ciidamada Puntland, waxeyna intaa ku dareen iney gabi ahaanba ku bur buriyeen gaari dagaal oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan maamulka Puntland.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook