Ra’iisul wasaare kuxigeenka Turkiga oo maanta Muqdisho imaanaya

Ciidamo isugu jira boolis iyo nabadsugid ayaa la dhigay wadooyinka halbowlaha ah ee magaalada Muqdisho, iyadoo laga mamnuucay inay isticmaalaan gaadiidka.

Wadooyinka la xiray gelinkii danbe ee Tallaadadii ayaa waxaa ka mid ah wadada dheer ee Maka Mukarama oo laga xray isgoyska Banaadir, Km4, wadada aada garoonka diyaaradaha iyo mida aada Afasiyooni.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xirnaanshaha wadooyinkaan ay kusoo beegantay xili aroornimada Arbacada ee maanta la sugaayo wafdi uu hoggaaminaayo ra’iisul wasaare kuxigeenka Turkiga oo Muqdisho imaanaya.

Wadooyinka xiran ee Muqdisho ayaa ah kuwa haawanaya, waxa kaliya ee isticmaalayana ay yihiin gaadiidka ciidamada iyo madaxda dowladda.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook