Suuqa Bakaaraha oo Maanta gebi ahaanba xiran +SAWIRRO

Guud ahaan waxaa saaka xiran Ganacsigii Suuqa ugu weyn ee Soomaaliya ee Bakaaro, kaddib markii uu dhaqan galay go’aan shalay ka soo baxay Ganacsatada Gobolka Banaadir, kaasoo ay ku sheegeen ina shaqo joojin sameynayaan wixii ka bilowda maanta oo Axad ah.

Ganacsatada ayaa ka cabanaya canshuur dheeri ah oo lagu soo rogay, waxaana shaqo joojintan ay jawaab u tahay canshuurta Wasaaradda Maaliyadda ku soo rogtay Ganacsatada.

Xirnaanshaha saaka ee Suuqa Bakaaraha ayaa saameyn ku yeelatay dadka ka xoogsada ee maalin walba nolol maalmeedkooda ka soo dhacsan jiray, waxaana si guud albaabada loo laabay qeybaha ganacsiga ee uu ka kooban yahay suuqa.

Madaxda dowladda Federaalka ayaa wali wax jawaab ah ka soo saarin cabashada ganacsatada iyo xirnaanshaha suuqa weyn ee bakaaraha, waxaana hadii ay sii socoto xirnaanshaha laga cabsi qabaa inay keento sicir barar.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook