Tababaraha Antonio Conte Oo La Sheegay Inuu Dilo Ciyaartooyda

Daafaca Juventus Giorgio Chiellini ayaa shaaca ka qaaday in ciyaartoyda qaar looga tagay dhimasho ka dib markii tababar adag uu siiyay macalin Antonio Conte.

Conte ayaa xaalad xun ay ku heysataa Stamford Bridge, iyadoo Chelsea ay fadhido kaalinta afaraad ee Premier League ka dib laba guuldarro xiriir ah oo soo gaartay.

48 jirkaan ayaa seddex xilli ciyaareed ku qaatay Juventus, isagoo ku guuleystay Serie A mid kasta oo ka mid ah sannadihiisii Torin.

Chiellini oo 96-jeer oo caalami ah usaftay Italy ayaa shaaca ka qaaday sida uu ugu adag yahay Conte tababarka.

“Ma ahan kaliya shaqada Conte ciyaarta socta, laakiin maalin walba tababarka ayuu si adag ula shaqeeyaa” ayuu u sheegay Daily Mail.

“Markaad dhameyso tababarka, waad daaleysaa, waxaa lagu moodayaa qof dhintay ayuu yiri daafaca Juventus.

“Wuxuu abuuraa jawi, qof walbana wuxuu siinayaa isbadal ayuu hadalkiisa ku daray Giorgio Chiellini.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook