Taliyaha cusub ee Nabadsugida oo xilka la wareegay +SAWIRRO

Taliyaha cusub ee Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa maanta xilka la wareegay, kaddib munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta NISA.

Kusimaha Taliyaha Nabadsugida ahna Taliye kuxigeenka C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo xilkan sii hayay ku dhowaad afar bilood ayaa xilka ku wareejiyay Taliyaha cusub.

Wasiirka Amniga gudaha Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Wasiir kuxigeenka iyo Saraakiisha Hoggaanada Nabadsugida Qaranka ayaa ka qeyb galay munaasabadda kooban ee xil wareejinta.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa Isniintii la soo dhaafay u magacaabay xilka Taliyaha Nabadsugida Xuseen Cusmaan Xuseen, kaddib muddo ku dhow afar bilood oo ay Taliye la’aan aheyd Nabadsugida.

Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa ku cusub xilkan, waxaana sugaya howlo adag oo looga baahan yahay sida uu u wajo, waxaa dadka qaar ay sheegaan in khibrad aan sidaa u sii buurneyn u laheyn xilkan, marka laga reebo inuu sanadkii 1982 uu mar ka mid ahaa Qeybta Sirdoonka ee Milateriga Soomaaliya.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook