Taliyeyaasha Nabad Sugida,Booliska iyo Asluubta oo goordhow la magacaabay

Golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo maanta kullan aan caadi ahayn ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxay ku magacaabeen Taliyeyaasha Nabad Sugid,Booliska iyo Ciidamada Asluubta.

Taliyaha Booliska ayaa loo magacaabay Bashiir Cabdi Maxamed, halka Taliyaha Nabadsugida loo magacaabay Xuseen Cusmaan Xuseen, halka Taliyaha Asluubta loo magacaabay Jen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo horay xilkan u hayay.

Magacaabidan ayaa aheyd mid aan la fileyn, marka loo eego shaqsiyaadka xilalka loo magacaabay, waxaa horay suuqa ugu jiray shaqsiyaad dhowr ahaa oo aad loogu badinayay xilalka, balse aakhirkii dambe meesha ka baxay.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa soo dhamaaday, iyadoo saxaafada looga warbixiyay magacaabida Taliyeyaasha iyo waxyaabihii kulanka looga hadlay oo saacado badan qaatay.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook