WARIYE Aamino Muuse:-madaxweyne Waxaa tahay nin aan lahayn hadal madaxweyne

Mudane madaxweyne waxaan kugu salaamayaa salaanta Islaamka ee Asalaamu Calaykum wa raxmatullaahi wa barakaatu, marka xigtana teenii Soomaaliyeed: Sidee tahay? Ma ladan tahay?

Waxaan ahay muwaadinnad Soomaliyeed, waxaana gartay in aan warqadaan furan kuu soo marsiiyo warbaahinta, magaceyga la iigu waqlalay waa: Amina Muuse Weheliye, waxaan ku dhashay kuna barbaaray wadankeyga Soomaaliya magaalada Xamar, waxaan wax ku bartay kuna dhameystay waxbarashadda asaasiga ah magaalada Muqdisho oo ah caasimadda dalkeyga, waxaan ka mid ahay malaayiin Soomaali ah oo sida adiga oo kale wax lagu baray canshuurta laga qaaday ummadda Soomaaliyeed oo aan la kala soocin, dalkeyga iyo dadkeyga waa ku weyn yihiin qalbigeyga, macna ma leh Meesha aan ku noolahay, dhowaa iyo dheeraaba.

Dhiig, Dhogor iyo dhimirba, waxaan wax ku noqday dalkeyga Hooyo, hadda waxaan ka mid ahay malaayiin Soomaali ah oo ilaahey calaf u geliyey in eey ku nooladaan wadanka dibaddiisa.

Halka aan ku noolahay iyo dalkeyga hooyo waxeey isu jiraan iminka fogaan gaareysa, dhanka dhulka LIX KUN, LIX BOQOL IYO SAGAASHAN IYO SEDDEX KIILOOMITIR (6,693 km) oo u dhiganta AFAR KUN BOQOL IYO KONTON IYO SAGAAL MAYLE (4,159 miles).

 

Har iyo habeen qalbigeygu sida dadka kale ee Soomaaliyeed oo dibadaha ku noolba adiguna aad ka mid ahayd sanad ka hor, wuxuu jiraa dhulkii hooyo, halka jirkeyguna joogo gobolka England, ee wadanka Ingiriiska.

Maanta oo ah taariikhda Islaamka ee hijriyaddu  tahay: 21-ka bisha Jamaalatul Awal (Uulaa) sanadka 1439-ka, taariikhda miilaadiguna tahay 8-da Febraayo, sanadka 2018-ka waa inoo maalin weyn, waana u maalin weyn adiga iyo dowladda aad madaxweynaha ka tahayba.

Mudana madaxweyne, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, manta waxaa sanad ka soo wareegtay maalintii baarlamaan dadban uu kuu doortay, in aad noqoto: MADAXWEYNAHA DOWLADDA FEDERAALKA AH EE SOOMAALIYA, sidaas darteed marka hore HAMBALYO, marka xigana, ku weydiin maayo wixii aad martay sanadkaas aad madaxweynaha ahayd  oo waan ogahay in aneey masuuliyadu ahayn mid sahlan, laakiin koleey muwaadiniinta aan ka mid ahay, waxaan dusha ka eegeynay bal sidaad wax tiraahdo, waxaan la soconay tallaabo-tallaabo hadba maamulkaagu halkuu eego, waxaan isha ku heynay faa’iidada aad soo kordhiso iyo khasaaraha aad maquurataba.

Hadaba waan ogahay in aad leedahay la taliyayaal miiggan iyo askar miiqan, laakiin innana waxaanu nahay muwaadiniin malgan, oo indhoodu soo wada eegayaan dalkoodii wanaagna la jecel ee bal horta aan kuu hor mariyo, wanaagga aan dhankaaga ka tiriyey:

 

WANAAGAAGA:

1-  Waxaan tahay madaxweyne reer magaal ah (Beysaani ah) oo furfuran.

2- Waxaad leedahay niyad wanaagsan oo weey kaa go’an tahay in aad waajibkaaga madaxweyne-nimmo ka soo dhalaasho.

3- Waxaad tahay hogaamiye ku soo noolaa dal aan kiisa ahayn, oo garanaya sida dunida kale u shaqeyso, misna aan ahayn jaahil dhego-xiran.

4- Waxaad tahay, madaxweyne hore xil Ra’iisulwasaare uga soo qabtay dalka, iyadoo xaaladdu intaan ka adag tahay.

5- Waxaad tahay shaqsi af-gaaban oo intii yareyd oo uu hadli jirayna, isaga haray, sababtu waxey doonataba ha ahaatee.

 

LIIDASHADAADA:

1-  Waxaad noqotay nin badanaa moog waxa hareerihiisa ka dhacaya, markii wax laga weydiiyana ku jaawaaba MOOJI, waana sababtaas ay Soomaalida qaar kuula baxeen magaca-u yaalka : MOOGE.

2- Waxaad tahay in u’eg in aanuu u diyaarsaneyn amaba aan fileynin in madaxweyne loo dooran doono, kolloo aad doorashii gashayna, balse ku baraarugay uun isagoo madaxweyne ah, laakiin waxba aan sii diyaargaroobin.

3- Waxaa tahay nin aan lahayn hadal madaxweyne ( Markaan leeyahay hadal madaxweyne, waxaan ula jeedaa qofka hogaamiyaha ahi waa in hadalkiisa laga dhex maqlaa, quwadiisa hogaamineed) malaha kuwa khudbadaha kuu diyaariyaa ku laadlaadiye e?

4- Waxaad tahay nin hadalladiisu is wada hertinayaan, oo iska wada hor I maanayaan.

5- Waxaad tahay nin degdeg badani ka muuqdo, oo aan u fiirsan ballanqaadyadiisa, isna weydiin, MA SOO BIXI KARTAA?

 Intaa ka dib, arrimaha aan kor u soo sheegay oo dhan inta kale waa la furdaamin karaa, laakiin madaxweyne AAMUSAN xal loo heli maayo,  wax laga dhageystaana ma leh oo waaba aamusan yahay, balse ma kuu faah-faahiyaa sababta ay  muhiim u tahay in aad hadasho?

  1. B) Mudane madaxweyne kol hadaad wadanka madaxweynihiisii tahay, aamus kuguma waajibo, waayoo aamusnaantu waa: AQBALAAD! (Silence is acceptance).

Qaladaadka dhinacyadaada ka dhacaya, oo ay sameynayaan madaxda kale ee dowladaadu, ama ha noqdo Raisulwasaaraha ama wasiiradda ama agaasimayaasha amaba inta ka sii hooseysaba, ama taliyaayasha ciidamada ee hadaadana markaad ogaato aamus ku darto, macnaheedu waa: WAAN KU RACSANAHAY (I AGREED WITH THEM)

2, T) Sideedba u aamusnaataba, ma iyaadaba shaqaadaadii ah? waa muhiim in aad dadka aad hogaamiyaha u tahay la hadashaa, waayoo adigeey ku soo wada eegayaan, waxaad tahay hogaamiyahoodii, waxaad weliba kursiga ku timid jaceyl farabadan oo dadka Soomaaliyeed oo aan kala harin kuu qabaan, waxaad tahay XALLIYAHOODII ay ka sugaayeen in uu wax kastaaba furdaamiyo, waxaadna tahay MACALLINKOODII ay ka doonayaan in uu su’aal kasta uga jawaabo, marka aamusnaantu waa liidnimo qofeed oo adiga kugu dul goowraarta.

  1. J) Soomaalidu waa dad wax sheeg badan, iyadoo bini’aadam oo dhamiba eed badan yahay, innaga dadkeenu kuma sii jiraan, waxaana u sabab ah in ay sidaas u dhaqmaan, waa diihaalka faraha badan ee aanu dal iyo dad ahaan soo marnay, ka amaan heli meysid, laakiin adigu amaantooda uma noolid, madaxweynana uma tihide in lagu amaano, waxaad u nooshahay in aad xilkaaga ka soo baxdo, laakiin waxaan isu qaadmin, faan-ka iyo is toox-tooxa beenta ah, ee ay ku dhaqmayaan qaar ka mid ah masuuliyiinta ugu sareysa ee dowladaada, dee waa la hadlaa laakiin faan in wax lagu hoggaamiyo iyo qarnigaan aan ku jirno ee 21-naad ayaanba is qabaneynin.

Mudane madaxweyne, dadka aad madaxweynaha u tahay faan ma rabaane waxeey rabaan in laga dhabeeyo arrimaha nolol maalmeedkooda muhiimka u ah oo ay ah ka mid yihiin uguna muhiimsan yihiin:

Waxbarashada, Caafimaadka, dhaqaalaha, waddooyinka, biyo nadiif ah, horuumarinta tacabka beeraha, dhaqista iyo xanaanneynta xoolaha nool, kaluumeysiga, dhaqdhaqaayada maskaxda iyo jirka kobciya sida isboortiga. I W M.

Teeda kale ma qabo in qofka masuulka ahi u baahan yahay in la faaniyo ama amaan lala daba taagnaado, sababtuna waxey tahay:

Mudane madaxweyne, adiga cidna kuma soo qasbin markaad doorashada isa soo taageysay, adaa tagay miiska doorashada, sidaas darteed waxaad ku talagashay in lagu doorto, ka dibna aad shaqeyso, waxba kama duwana shaqadatani in eey ka culus tahay mooyee, tii aad wadanka dibadiisa qoyskaaga ugu xamaalaneysay, oo ay la socotay in laguugula xisaabtama howshaada.

Maxaadba faan uga baahan tahay marka, howl culus ayaaba ku hor taalee?

Howl aan la qaban in laga dhigo in la qabtay, ama howl aan loo qaban sideey ahayd in loo qabto, marka la raadiyo in laguugu amaano, ma taqaanaa cawaaqibka ah leedahay?

Waxey ku dhaxalsiineysaa, in aad iska dhaadhiciso in aad howshiiba qabtay adoon waxba qaban, taasina waxey keeneysaa in aad noqoto QOF LAGU HUNGOOBAY HOGGAANKIISII.

Aad baad u dadaashay runtii, laakiin marka la isu geeyo, in waxa wax kuugu darran yihiin ay yihiin dad kale, oo ay dhici karto qaar dowladaada ka tirsani in ay doonayaan in doontu kula degto, halka mucaarad afka soo kala hayana kugu heeraarsan yihiin, waxaad khatar ugu jirtaa, hadaad sidaad hadda u aamusan tahay iyo amaan jeceylku sii socdo in aad guul-dareysato sanadka soo socda, wax qabadkaaguna isaga oo dhami waxaad fursad u heysataa, labada sanno oo hore, halka labada sanno oo dambe aad ku mashquuli doonto, sidii aad mar kale kursiga ku imaan lahayd, hadaaneey hir-gelin doorashooyinka laga filayo in dolwadaadu diyaariso, ee qof iyo cod.

Ogoow Madaxweyne, qof kasta oo waddan hogaamiya, waana guuleystaa waana guuldareystaa, laakiin tan muhiimka ahi waa in ey guushu ka badato guuldarada, waxa kali ah oo aad ku gaari kartaana waa in aad ka cashar qaadato, hadimooyinkii aad soo martay balse ka soo tallabsatay muddada sanadka ah ee aad xukunka heyso.

Run ahaantii, ma ahan sanad sahlan, oo wax badan ayaa ku soo maray, dhacdoodyinkii ugu waaweynaana waxaa ka mid ah:

1-  In muwaadin Soomaaliyeed oo dhowr sanno wadanka, oo sida uu hadda yahay ka ammaan liita ku noolaa,ahna xaq u dirir wadanka u soo halgamay kana soo qeybqaatay dagaalkii Soomaliya iyo Itoobiya (Cabdikariin Sheekh Muuse QALBI-DHAGAX, ay dowladaadu u gacan geliso Ithoobiya, taasoo qarracan ku noqotay muwaadiniinta Soomaaliyeed isla arkaasna  tariikh lama ilaawaan ah ku ah xukumadaada, inta ay joogto iyo hadeey tagtaba. Waxaase arrintu sii murugtay, markii aad ka aamustay bareerahaagana kala cadeyn weyday ileyn adaa dowladda u taliye eh, ilaa iyo hadana aadan xitaa raaligelin ka bixinin xukumadaadu.

2- Qaraxii 14-kii Oktoobar, oo ku dhowaad kun qof (600 ) oo qof inta la qirtay ay ku dhinteen, intaas saddex jibaarkeedna ay dhaawacmeen, si kasta oo nabad gelyo xummo u jirtay, weli meey dhicin tiro dhimasho ah oo intaas la,eg oo maalin qur ah dhimatay, adiga ayeeyse dowladaada taariikhda u gashay, waxaase ka sii darneyd markii halkii ay ahayd in baaritaan dheer laga galo, dunida kalena laga codsado in eey inoo soo diraan khubaro dhinaca baarista ku fiican, laami lagu boobay raxdii dadkeena lagu gumaaday isla maalintii ku xigtayba, misna laga meermeero in hadal cad laga yiraahdo, wixii oo dhamina faro fiiq-fiiq iyo iska daba wareeg ku dhamaatay.

3- Weerarkii mucaaradka guryahooda lagu qaaday, iyadana ma ahayn fal qurux badan oo sawir fiican ka bixinaaya maamulkaaga, sida kii lagu qaaday xubin mucaaradka ka tirsan ahna siyaasi (Cabdiraxmaan Cabdishakuur ) iyo kii lagu qaaday aqalka guddoomiyaha guddigga dastuurka ee labada aqal ee baarlaamanka (Cabdi Qeybdiid)  ahna xildhibaan ka tirsan aqalka sare. Kaaga darane in la dilo shan rag ah iyo qof dumar ah meel qur ahna lagu aaso, iyadoon loo aabbe yeelin ayaa wax kale ahayd.

4-  Xilalka bannaan ee dowladaada ee weli haawinaya ayaa iyadana xusid mudan, oo uu ugu muhiimsan yahay Taliyihii nabadsugidda qaranka oo xilkiisii ilaa iyo hadda  banana yahay, kaasoo shaqadiisu tahay sugidda amniga dalka, mana ahan wax aqliga gelaaya in iska daa dhowr biloode uu dhowr maalmood xilkaasi haawiyo, waxeyna taani dhabar jab ku tahay hanaanka dowladnimada iyo sugidda amniga.

Mudane madaxweyne maamul-goboleedayada ayaa iyagana isku toosin kaaga baahan, waayoo maba fahamsana in eey yihiin maamul goboleedyo dowlada dhexe hoos yimaada, in kastoo si wanaagsan uu ku soo dhamaaday socdaalkii nabadda ee dhowaan aad ku kala bixisay gobollada dalka qaarkood, si weynna dadku kuu soo dhoweeyeen, hadana weey ahayd in lagu soo dhoweeyo waayoo tallaabo fiican ayaad qaadan, oo waxaad martay dhulka, adoo baabuur isticmaalaya marmarna diyaarado, haddii dhan kale laga eegana badanaa dadyowga Soomaaliyeed sidoodaba marti soorka waa ku fiican yihiin, waxaase intaas sii dheer in badankood ay kuu arkeen in aad tahay wiilkoodii oo soo booqday, oo ay reer ahaan kuu soo dhoweeyeen, halkeey kuu weyneyn lahaayeen madaxweyne ahaan, taasina ma ahan wax dhowaanahaan laga baxayo ee waa ina daba soconeysaa, inta aanu wax kasta indho reerysan ku eegeyno kuna qeybsaneyno awoodda dalka 4.5 iyo qabiillo,  adigana qalad kuma hilid taas, oo adaaba awooda ku tagay reer aqoolkiis.

Soomaalidu waxaas uu dhan maah-maah ayeeyba ka sameysteen oo sinaba uga reysan meysid waxaanba ku maahmaahnay: FIQI, TOLKIISA KAMA JANNO TAGO!

Wadanka gobollo badan ayaa kuu dhiman in aad tagtana ay tahay, hase yeeshee qaar badan waxaa heysata Shabaab, oo hadda saad ku tagtaba ma leh, iyagana inaad inta xoreyso, tagtaa lagaa rabaa.

Mudane madaxweyne, markasta oo maamul yimaado wuxuu la yimaadaa culeyskiisa, kan aad adigu majaraha u heysana, waa uun sidaas, sidaas darteed, howlaha ku horyaala waa fara badan yihiin, waxaanse warqadeydaan dheer kuugu soo gunaanadayaa talooyin aan kula jecelahay in aan ku soo gaarsiiyo:

1.-  Madane madaxweyne, ogoow waxaad madaxweyne u tahay Soomaaliya oo dhan, ee madaxweynaha gobolka Banaadir ma tihid, kamana talisid MUQDISHO (XAMAR) oo kali ah.

2- Mudane madaxweyne, wadanka inta xorta ahna xor ma ahan oo waxey u baahan yihiin in ay maskaxda ka xoroobaan, sidaas darteed ku dadaal dowladaada in ey hir-geliso, Iskuulo lacag la’aan ah oo ilaa heer jaamacadeed ah, iyo tababaro gaagaaban oo la siiyo dhallinyarada iskuulka ka weynaaday, waxbarashana aan helin si xirfado loogu abuuro, hadaan adeegaas la helinna, dadku maskaxda kama xoroobayaan, mana la helayo muwaadiniin car-bisaan.

 

 

3- Mudane madaxweyne, Dowladaadu waa in eey hirgeliyaa ugu yaraan dhowr Isbitaal oo lacag la’aan dadka lagu daweeyo, dadkii cuddurro ayaa hallakeeyey awoodna uma lahan in eey daawada iyo dhaqtarkaba iibsadaan.

4- Mudane Madaxweyne, dalka horuumar uma ahan nin ganacsade ah oo aan canshuurba bixin haduu doono 30 kii sannaddood ee la soo dhaafay, hotel qurxoon uu uu meel ka dhistay, dadka Soomaaliyeed ee maatida ahna dan gaar ah uguma jirto e, dowladu ha ku dadaasho, in eey dhisto dhismayaasha danta guud, sida xaruumaha hooyada iyo dhallaanka, iskuullada i.w.m

5- Mudane madaxweyne, Maamulgoboleedayada ha loo furo tababar, hana u sheegto dowladu in eey yihiin dowlad goboleedyo, si aaneey u hor boodin dowlada dhexe, waji-gabaxna ugu noqon masiirka soomaaliyeed oo dhan, ha ka dambeeyeeyn dowladda dhexe ee yeey hareer ordin.

6- Mudane madaxweyne, Dalka canshuuraha laga qaado, waxaa dowladdu maamushaa, canshuurta gobolka banaadir ka soo xeroota oo kali ah, canshuuraha dalka intiisa kale, kuwa maamul goboleedyadana iyaga soo ma dhaafto, inta kalena shabaab ayaa qaadata, hadaba maamul goboleedaydu sida nidaamka federaalka ah qorayo, ha siiyeen dowlada dhexe saamiga ay ku leedahay, si dowladdu u hesho, miisaaniyada ballaran oo dalka oo dhan wax uga qaban karto.

6- Mudane madaxweyne, wixii aad dorashada ku gashay waxaa la mid aheyd, in aad dhisi doonto, ciidanka qaranka, waana sababta aad hadda kursiga madaxweynaha ugu fadhido, iminka iska daa dhisme e ciidanka dhibaato waxey ka heystaa, in ay helaan mushaar joogto ah, qaarna dhawacyaddooda daawo fiican ma helaan, iskaba daa darajooyin kale e, dowladu waa in eey ugu yaraan wax kaleba yeelkeede, ciidanka cabasho tirtaa, oo mushaarkooda joogteysaa, dal aan ciidan lahayni, ma jiri karo e.

7- Mudane madaxweyne, Canshuuraha iyo noocyadoodu waa badan yihiin, qasabna ma ahan in canshuur kasta oo aduunka ka jirta laga qaado dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka deggan gobolka qur ah ee aad hadda adiga dowladaadu sida buuxda uga taliso.

8- Canshuur marka la qaadayo waa in dadka laga qaaday, laga fududeeyaa dhinacyo kale oo noloshooda ah, dad aan Iskuulo heysan oo caruurtoodu haddii aneey awoodin in eey lacagta iskuulka bixiyaan waxba baraneynin, misna aan heysan Isbitaallo bilaash ah oo hadii ay xanuunsadaan ay tahay in eey dhaqtarka lacag ka bixiyaan, oo aan heysan daawo lacag la’aan ah,  side looga qadaa canshuuro la saaray SHAAHI IYO QAXWO ay cabaan? Waa maxay VAT-ku? Ma joognaase xilli VAT (VALUE ADDED TAX) laga qaadi lahaa dadka halka magaalo deggan? Bal taasna dib ha loogu noqdo.

9- Mudane madaxweyne waa In aad u dhug yeelataa SOOMAALILAND, waa dhinac maqan, lalana hadli karo haddii loo maro wadada saxda ah, iyana aqoonsi raadintii uma fududaan, dolwadduna kuma taagna wadaddii ku habooneyd, Kuma filna walaalaha waqooyi (Somaliland) dhowr qof oo soo shaqo tagay oo baarlaamaanka federaalka ah xubno ka ah oo lafahooda u mushaar qaata, dowladda iyo hadafkeedana aan waxba ka fulin Karin gobolkeey ka soo jeedeene, waa in dowladaadu u marto waddo haboon oo walaaltinimo iyo turriinsho ku dheehan tahay, walaalaha waqooyi, dadkaani wax badan ayaa isagu darran kalama maarkaane, kolleyba dal ku gal la isma qaate e,  bal ha dhayalsan ee dowladu ha ka howlgasho.

Waxaa uu mucaaradka qaar kuu arkaan in aad MAXAMED SIYAAD BARRE-eyneyso, taasi yaaneey waxba dhib kugu qaban, waa iska caadi in OOKIYAALAYAAL QABYAALADEED la isku gashto e, kuwa reerkaaga ah ee cid kasta weerarka ku ahna waa kaga sii darayaane, bal u quuraanso in aad wax ka badasho, waaba hadeey ku maqlayaane, waad ka weyn tahay nin reerkiisa isku kooba, Maxamed SIyaadna allaha u naxariistee adiga ma tihid, mana noqon kartid, dadkii uu Siyaad xukumi jirayna hadda ma joogaan, dadkaan xukun xoog ku dhisan yeeli maayaane,  adoo madax ah majimmo yaan majimo lagaa dhigin,  ee bal xafiisyada borobogaandada iyo faanka iyo cayda loo furay ee ciyaalka sin dheerta ah (Teen ages) iyo odayada iyo dumarka howgabka ah loogu qorsheeyey in computaro ay ka dhex ceytamaan loo iibiyo mushaarna loo qoro, bal il gaar ah ku eeg.

Mudane madaxweyne, ha noqon ninkii u socodka ekaa weerka, ee xilli habeen ah soo agmaray isagoo daacaddii eebbe isaga socda, nin jiifa xero arri ugu jiro horteeda, oo arigiisa ilaashanaya,  falaarihiisiina barkan, deetana intuu ninkii socod-xumadiisii mooday WEER arigiisa soo weeraray, toogtay,  saa markii waagu beryey arkay in wuxuba anuu weer ahayn ee uu qof nool ahaa, markii la weydiiyeyna yiri: WEER BUU U SOCOD EKAA!

Ugu dambeyntii Mudane madaxweyne waxaan mar kale ku leeyahay HA AAMUSIN! YEELO ADKEYSI AAD KU HADASHO UNA BABAC DHIG ARRIMAHA XASAASIGA AH EE KULA SOO GUDBOONAADA, YEELO COD MADAXWEYNE, MUUQO, HADAAD AAMUSTO MA MUUQATIDE.

Ka raali ahoow qoraalkeyga dheer, waan kugu farabadiyey e, insha allaahu waxaan kuu soo qori doonaa mar kale sanadguuradaada labaad haddii ilaahey nafta yar innagu gaarsiiyo, waxaan kuu rajeynayaa 3 sanno oo kale oo fiican, iyo in xilka iyo waajibaadka alle kuu fududeeyo, Kheyr baan kaaga tagay.

Tusan iyo Tii Rabbi.
Amina Muuse Weheliye Cadoow
Email: asahra2012@gmail.com

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook