Wasiir Bayle oo lagu dacweeyay Madaxayne Farmaajo

Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa loo gacan geliyay warqad dacwo ah oo ka dhan ah Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C.Raxmaan Beyle.

Warqadan oo ay ku saxiixan yihiin ganacsatada ugu waa weyn magaalada Muqdisho iyo Koofurta Soomaaliya ayaa waxaa ku xusan in mudadii sanadka aheyd ee ay jirtay xukuumadda RW Kheyre lagu amray lacago xad dhaaf ah oo ay adag tahay in la bixiyo.

Xogta ayaa sheegeysa in Ganacsatada ay madaxweynaha usheegeen inuu kasoo baxo balantii uu la galay markii la doortay taas oo aheyd in baahidooda uu ka warqabi doono.

“Madaxweynaha isagoo aan lacag haysan anaga ayaa ugu tagnay madaxtooyadda oo siinay dhaqaalihii uu ubaahnaa, waxaana uu inoo balanqaaday in wada shaqeyn ay na dhexmareyso, laakiin maanta waxaan aragnaa sharci kaas ka duwan”sidaas waxaa laga soo xigtay mid kamid ah ganacsatada magaalada.

Madaxweynaha ayaa lasoo sheegayaa inuu arintaas kala hadlay RW kheyre, taas oo keentay in Ra’isul Wasaaraha iyo wasiirka Maaliyadda ay kulan deg deg ah la qaataan ganacsatada si loo dhameeyo muranka jira.

Wasiir Beyle ayaa dhawaan soo saaray amar ganacsatada ku waajiib yeelaya iney bixiyaan lacag xad dhaaf ah oo canshuur ah, taas oo ay si weyn uga soo horjeesteen.

Si kastaba, Ganacsigii dekadda Muqdisho ayaa haatan gaabis ku jira, waxaana loo aaneynayaa amarkii wasiirka.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook