Manchester United Oo Ciqaabtay Liverpool +SAWIRRO

Kooxda kubada cagta ee Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford galabta ku casuuntay naadiga Liverpool waxaana labadaasi kooxood dhexmartay ciyaar aad u xiisa badneyd oo guusha ay ku raacday kooxda uu maamulo Jose Mourinho.

Ciyaarta ayaa jawi qurux badan ku bilaabatay taagerayaal kala taabacsanaa labada dhinac ayaa soo buux dhaafiyay garoonka masraxa riyada oo ay ku ciyaarto Manchester United.

Jose Mourinho ayaa saf xoogan kala hor yimid kooxda Liverpool, waxaana shaxdiisa uu ku soo bilaabay da’yarka sadexda libaax Marcus Rashford oo aad uga soo dhalaalay howshii looga igmaaday kulankii Reds.

Garsoorka ayaa seeriga ku dhuftay ciyaarta ayaa bilaabatay, waxaana labada naadi ay bilaabaneen in ay isku qaadaan weeraro u muuqday kuwo aan natiijo ku dhisneyn.

Si kastaba ha’ahaatee kooxda marti qaaday Liverpool ee Red Devills ayaa jugta bilawday waxaana goolka koowaad ay ka heleen Marcus Rashford, kaa oo farsamo ku dhaliyay gool qurux badnaa oo uu caawiye ka noqday R. Lukaku, waxaana kubadii uu soo laaday Rashford ku fashilmay in uu joojiyo goolhayaha Liverpool L. Karius.

Kooxda Klopp ayey xaalada aad ugu xumaatay laakiin waxa niyada u dajinayay ayaa mar walba ahayd in ciyaarta ay bilawtahay, Unitedka oo dhiro galin xoogan ka heshay goolkii koowaad ayaa markale dhalisay goolkii labaad waxaana shabaqa toban daqiiqo goolkii uun kadib markale shabaqa Reds gaaray Rashford.

Markale guud ahaan jamaahiirtii Reds ee ciyaarta goob jooga u ahayd ayaa shucuurtooda is badashay, waxaana ciyaarta ay ku sii socotay natiijo 2-0 ah.

Weeraryahanada Liverpool ayaa sameeyay dadaalo xoogan ay ku doonayeen in goolka koowaad isaga soo gudaan laakiin difaacyada Manchester sida Baily iyo Smallling oo aad u caaboonaa ayaa goolhaye De Gea u diiday in uu gaaro laad walba galin kara oo ka yimaada weerarka Reds ciyaarta ayaana qeybteedii hore lagu kala nastay natiijo 2-0 ah oo lagu hogaaminayo kooxda martida ahayd.

Markii la isku soo laabtay ma jirin , fusrado kale oo halis ah ay sameeyeen xidigaha weerarka Manchester, halka kuwa Liverpool daqiiqad walba maankooda ka dhax guuxayay sida ay ku keeni doonaan deynta kooxdooda lagu leeyahay.

Ciyaarta ayaa dhamaad ku sii dhawaatay laakiin daqiiqadii 66-aad Red Devills ayey soo martay xaaladii ugu xumeyn ee guud ahaan ciyaarta, waxaana gool kama ah iska dhaliyay difaaca Ivory Coast ee Eric Baily, kaa oo lugtiisa ugu toosiyay shabaqa kooxdiisa kubad ka timid dhanka iyo weerarka midgeed ee Liverpool.

Klopp iyo kooxdiisa ayaa nafis helay markii Unitedka ay iska dhaliyeen gool kama ah, waxaana intaa kadib weerarka Liverpool u cadaaday oo kaliya shabaqa Manchester, sidoo kale difaacyada Red Devills

ayaa wal wal xoogan dareemay maadaama hal gool oo farqi ah ciyaarta ay ku hayeen isla markaana daqiiqad walba gool ay dhalin kartay Liverpool.

Si walba oo ay u dadaaleen weeraryahanada Liverpool iyo difaactan walba oo ay sameeyeen xidigaha qeybta danbe uga ciyaara Red Devills kulankii North West Derby ayaa soo idlaaday garsoore Pawson ayaana garsoorka ku dhuftay.

Guushaasi ayaa ka dhigan in Manchester ay shan dhibcood ka sareysa Liverpool, waxaana markan ay kalsooni buuxda ku qabaan ku naagashaha booska labaad ee kala sareynta Premier League.
MATCH FACTS, LIVE LEAGUE TABLE AND MATCH ZONE

Manchester United (4-2-3-1): De Gea; Valencia, Bailly, Smalling, Young; Matic, McTominay; Mata (Lingard 88), Sanchez (Darmian 90+6), Rashford (Fellaini 70); Lukaku

Subs not used: Romero, Shaw, Lindleof, Carrick

Goals: Rashford 14, 24

Booked: Rashford, Valencia

Manager: Jose Mourinho

Liverpool (4-3-3): Karius; Alexander-Arnold (Wijnaldum 80), Van Dijk, Lovren, Robertson (Solanke 84); Can, Milner, Oxlade-Chamberlain (Lallana 62); Mane, Firmino, Salah

Subs not used: Mignolet, Gomez, Matip, Henderson

Goals: Bailly (OG) 67

Booked: Oxlade-Chamberlain

Manager: Jurgen Klopp

Referee: Craig Pawson

Attendance: 74,855

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook