Barcelona oo hogaanka horyaalka La Liga dheereysatay+sawirro

Barcelona ayaa guul weyn ka gaartay dhigeeda Malaga kulan ka tirsan La Liga – waxeyna dheereysatay hogaanka horyaalka taasoo ka dhigan iney 11-dhibic ka sareeyaan Atletico Madrid.

Barcelona waxey gaartay guul 2-0 ka gaartay Malaga, taasoo ka dhigan inaan 35 kulan laga adkaanin, waxeyna haatanka fogaadeen Atletico Madrid dhibco badan iyadoo kooxda ka dhisan caasimadda uu kulan gacanta ku heysto.

Barcelona si awood leh ayey ku bilaabatay kulanka, waxeyna aheyd mid mar walba ka fir-fircoon hadana ka tababar badan dhigeeda Malaga.

Luis Suarez ayaa bilaabay bandhigga goolasha markii uu si fiican u dhameystiray kubad uu ka helay Jordi Alba, sidoo kalana Philippe Coutinho ayaa shabaqa gaaray daqiiqadii 28-aad ee ciyaarta kadib markii uu caawin isna ka helay Dembele.

Samuel Garcia ayaa ciyaarta laga saaray 30-daqiiqo iyadoo socota, sidaas darteed Malaga waxey noqotay mid naaqus ah.

Qeybtii labaad ee ciyaarta ayey Barcelona si fiican u hana qaaday, balse marna kuma guuleysan iney shabaqa gaarto, waxeyna guusha ku qaadatay labadii gool ee xidigahii hore Liverpool Suarez iyo Coutinho.

Barcelona guushaan waxey ka saaciday iney shaqeysato 72-dhibcood, halka Atletico ay leedahay 61-dhibcood, waxaan ka marneyn Real Madrid oo guul gaartay isla markaana 57-dhibcood soo mareysa.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook