Carl I. Hagen oo taageray Sylvi Listhaug

Carl I. Hagen oo qaba in Erna Solberg (H) taageero siiso Sylvi Listhaug kadib fariintii ay Facebook soo dhigtay.
Iyadoo mas’uuliyiin badan ay ka hadleen fariin ay wasiirka cadaaladu ku qortay baraha bulshada ayaa arrintaasi dhan kale taageero ka heshay xisbiga ay ka tirsan tahay wasiiradu ee Frp.

– Kuma haboona ra’iisul wasaaraha sida ay uga hadashay fariinta Sylvi Listhaug ay Facebook ku qortay ayuu yiri Carl I. Hagen oo ka tirsan Frp qabana in taageero buuxda la siiyo wasiiradda iyo amniga muwaadiniinta.

Hagen oo u waramayey Aftenposten ayaa qaba in Listhaug ay aad ugu saxneed hadalkii ay ku qortay facebook ee ay ku sheegtay in Ap ay muhiimada saarayaan danaha argagixisada kana hormarinayaan danaha muwaadininta.

Hagen ayaa dhanka kale ku dhaleeceeyey Ap in qaab siyaassadeed ay u isticmaalaan falkii argagixiso ee 22 Luulyo.

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook