DAAWO: Soomaali ka timid Gobolada Waqooyi oo Baasabooro usoo doontay Garoowe

Soomaali intooda badan ka timid Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) ayaa Ku Xaniban magaalada Garoowe, Kuwaas oo Baasaboor u soo Doontay Xarunta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha DF Soomaaliya.

Waxay sheegeen inay ka Cabanayaan Hakad ku yimid Shaqadii Halkaasi ka socotay, Iyadoona dad Qaar kamid ah ay u socdeen Howl0 muhiim ah oo deg-deg ah, waxayna Codsi u direen Madaxda Sare ee Dawladda Soomaaliya.

Shacabka Hargeisa, Burco, Boorame, Berbera iyo deegaanada ku xeeran Ayaa Safaro dhaadh-dheer u soo galay inay Qaataan Baasaboorka Soomaaliga, Iyadoona Maamulka deegaanadaasi uu dhegaha ka furaystay in Xafiis looga Furo Deegaankooda.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook