Ganacsato la balansanaa Al-Shabaab oo xabsiga loo taxaabay

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska Hirshabeelle ay maalintii shalay xabsiga dhigeen Ganacsato u socday deegaanka Gamboole oo ay kula balansanaayeen Al-Shabaab.

Sida wararku sheegayaan Ganacsatadan ayaa waxaa maalmo ka hor u yeeray Al-Shabaab, kaddib markii ay ku soo rogeen lacago canshuuro ah oo laga qaado Bakhaarada Ganacsi ee ku yaalla Jowhar.

Qaar ka mid ah Ganacsatada Jowhar ayaa sheegay in Al-Shabaab ay u yeereen inay Gamboole yimaadaan maalintii Sabtidii, balse ay suura geli weyday markii Ciidamo ka tirsan dowladda ay Sabtidii weerar ku qaadeen deegaankaas oo ay saacado kula wareegeen, kaddibna isaga soo baxeen.

Hase ahaatee markii ay dib ugu soo laabteen Al-Shabaab Gamboole waxay ku amreen Ganacsatada inay sida ugu dhaqsiyaha badan u yimaadaan, isla markaana ay balantii sidii u taagan tahay.

Ganacsatada la xiray ayaa muddo saacado kaddib laga sii daayay Saldhiga Booliska Jowhar, waxaana lagu amray in aanay ka bixi karin magaalada oo aanay u tagi karin Shabaabka.

Al-Shabaab ayaa Ganacsatada ku dhaqan Jowhar ka qaada lacago, waxaana ay ugu yeeraan deegaanka Gamboole oo ay saldhig ku leeyihiin, iyadoo dhowaan ay aheyd in Macalimiinta Iskuulada ay ugu yeereen deegaankaas, balse markii ay ka soo laabteen lagu xiray xabsiga Jowhar.

Gamboole ayaa magaalada Jowhar waxay dhanka Galbeed kaga beegan tahay 50KM, waxaa la sheegaa in Al-Shabaab uga furan tahay Maxkamad ay dacwadaha ugu qaadaan dadka isku heysta dhulalka iyo kuwa la soo eedeeyo.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook