Garsoorayaasha British oo laga reebay dhex dhexaadinta Koobka aduunka

Xiriirka kubada Cagta aduunka ee Magaciisa loosoo gaabiyo FIFA ayaa khamiistii sirasmi ah ugu dhawaaqay Garsoorayaasha dhex dhexaadin doona koobka aduunka 2018 iyaga oo aan ku darin garsoorayaal British ah.

Arintaan ayaa layaab ku abuurtay dad badan ayaa Timid 80 sano kadib in markii u horeysey laga waayo Garsoorayaal British ah kuwaas oo in ay ka maqnaadaan ay ugu danbeysey Koobkii aduunka ee dhacay Sanadkii 1938 dii.

Katagitaanka Garsooraaysha dalalaka England, Scotland, Wales iyo Northern Ireland.ayaa ka micno ah in ay aad u liitaan garsooryaasha dalakaas kuwaas oo qaarkood dhex dhexaadiya cayaaraha caalamaka oo dhan loogu daawsho badanyahay ee Premier League in kasta oo markasta ay dhexda kaga jiraan qaladaad muuqda oo aan indhaha laga qarsan karayn.

Garsoore Mark Clattenburg ayaa ah Ninka kaliya ee British ah ee mudo dheer ku jirey liiska Garsoorayaasha ugu horeeya FIFA balse waxa uu kategay Horyaalka Premier League isaga oo ka doortay Horyaalka Sacuudiga sidaa daraadeed ayaan loogu yeerin Koobka aduunka 2018.

Ururka garsooraayasha FA ga England ayaa FIFA u gudbiyey magacyada Garsoorayaasha kala ah Martin Atkinson, Stuart Attwell, Robert Madley, Michael Oliver, Craig Pawson, Anthony Taylor iyo Paul Tierney balse dhamaantood waa laga waayey liiska soo baxay Khamiistii ee ah Garsoorayaasha dhex dhexaadin doona koobka arintaana waa mid ceeb ku ah England iyo Horyaalka Premier League intaba.

Garsoorayaasha qaarada yurub ee FIFA magacaawday ayaa ka kala yimid dalalka Germany, Turkey, Russia, Holland, Poland, Spain, Serbia, Italy, Slovenia iyo France.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook