Guddoomiye Yariisow oo oo si Cabsi ku jirto uga hadlay Maqaamka Muqdisho +VIDEO

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) ayaa markii u horeysay ka hadlay arrimaha Maqaamka Gobolka Banaadir, kaddib khudbad uu ka jeediyay furitaankii Kalfadhiga 3aad ee Golaha shacabka.

Eng. Yariisow ayaa ka dalbaday Madaxda dowladda in ka dedejiyo maqaamka Caasimadda, maadaama uu qeexayo qodobka 9aad ee Dastuurka.

“Shacabka Gobolka waxay codsanayaan inay xuquuqdii ay lahaayeen inay helaan oo ay la mid noqdaan Gobolada kale, inay matalaad ka helaan Aqalka sare, in maqaaka la dedejiyo, maadaama qodobka 9aad ee Dastuurka uu dhigayo”ayuu yiri Eng. Yariisow.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay doonayaan maqaam ku yimaada si nidaam oo dastuuri ah, isla markaana shacabka lagala tashtay, isagoo xusay in talada shacabka Gobolka Banaadir la soo uruurinayo, loona soo gudbin doono Xukuumadda iyo Baarlamaanka sida uu yiri.

Guddoomiye Yariisow ayaa sheegay in shacabka Gobolka Banaadir ay culeys ku qabaan kulamada Baarlamaanka oo waddooyinka muddo la xiro, isago dalbaday in la qafiifiyo xirnaanshaha waddooyinka, isla markaana waqtiyada la qabanayo kulamada la soo gaabiyo, isagoo soo jeediyay in kulamada Baarlamaanka la qabto xilliyada habeenkii, si culeyska u yaraado.

Dhinaca kale Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay Xildhibaanada inay degaan qeybaha kale ee magaalada Muqdisho, sida Bakaaraha, wadada Warshadaha, si dowladnimada u gaarto.

Arrimaha Maqaamka Caasimadda ayaa wali xal laga gaarin, iyadoo la rumeysan yahay in waxyaabihii xilka looga qaaday Maamulkii hore ee Gobolka inay sabab u aheyd arrinta Maqaamka Muqdisho oo aan wali la caddeyn, isla markaana shacabka Gobolka Banaadir ay xuquuq fara badan uga maqan tahay.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook