Jose Mourinho” Dhex dhexaad Maaha Saxaafada

Macalinka kooxda Kubada Cagta Mancehster United Jose Mourinho ayaa Weerar ku qaaday saxaafada dhaleeceysa qaab cayaareedkiisa daafac ah ee Xili Cayaareedkaan isaga oo sheegay in aysan dhex dhexaad ahayn.

Jose Mourinho oo waraysi siiyey Wargeyska Manchester Evening News.ayaa sheegay in markasta Saxaafdu hadal hayso qaab Cayaareedkiisa isla Markaana ay ku tilmaamaan mid daafac iyo cabsi ku dhisan iyaga oo aan arkin ayuu yiri qaab Cayaareedka kooxaha waa weyn ee ka liita Naadigiisa sida Chelsea.

” Mourinho oo sii hadlaya ayaa yiri hadii aad daawatay Cayaartii Manchester City iyo Chelsea wax maka qorteen qaab cayaareedkii cabsida badnaa ee Chelsea Garoonka latimid mise sheegteen in qaab difaaceedka Chelsea ahaa mid fashil ah oo aan waxba lagu difaaci karayn ma sheegteen inta laga haystey kubada miyaadse marna aragteen ayuu hadalkiisa sii raaciyey Manchester United oo sidaa oo kale u Cayaareysa.

Manchester United oo caawa la dheeleysa kooxda Crystal Palace ayaa dooneysa in ay ku soo laabato booskeeda kaalinta labaad waxaana hada booska labaad kaga jirta kooxda Liverpool.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook