Jose Mourinho oo heshiis u Saxiixay TVga RT+Sawiro

Macalinka kooxda kubada Cagta Manchster United Jose Mourinho ayaa heshiis u saxiixay TV laga leeyahay dalka Ruushka kaas oo uu ka noqon doono falanqeeye inta uu socdo koobka aduunka 2018.

Jose Mourinho ayaa Saxiixay heshiis uu lagaaray TV ga RT ee dalka Ruushka kaas oo hoos aqalka Kremlin-ee looga arimiyo dalkaas Waxaana TV gan uu sitoos ah u hoos tagaa Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Mourinho ayaa inta uu socdo koobka aduunku kusugnaan doona dalka Ruushka halkaa oo uu Falanqayb doono cayaaraha koobka aduunka isaga oo ka soo muuqan doona TV ga RT waxaa kaloo heshiiskan Saxiixay Goolhayihii hore ee Mancehster United Peter Schmeichel.

TV ga RT ayaa baahiyey Muuqaal Gaaban oo laga duubay Macalin Jose Mourinho oo kusugan Xarunta TV ga ee magaalada Moscow waxaana uu sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu aqoontiisa ku soo bandhigo TV ga Ruushiya Maanta Magaciisa loosoo gaabiyo isla markaana uu si hagar la aan ugu shaqayn doono.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook