Jose Mourinho Oo Jamaahiirta Palace Ku Tuuray Caag Biyo Ah +SAWIRRO

Tababare Jose Mourinho ayey suuratagal iney il gooni ah ku fiiriyaan xiriirka FA-ga kadib markii uu caag biyo ah ku tuuray dhanka jamaahiirta Crystal Palace kulankii ay xalay guusha soo laabashada leh gaareen, balse wuxuu sameeyay raali galin ka yaabisay garsoore Lee Mason oo ahaa sarkaalka afaraad ee ciyaarta.

Mourinho ayaa aad uga carooday bandhigga ciyaartoydiisa markii laga dhaliyay goolka labaad ee Van Aanholt, dhanka taageerayaasha ayuu u tuuray caag biyo ah isagoo markii dambe raali galin ka bixiyay.

Jose Mourinho ayaa waji farxadi ku jirto ku salaamay jamaahiirta Palace isagoo labada gacmood u taagay si uu ugu yaraan u raali galiyo, isagoo ka hadlayay wixii dhacay wuxuu yiri:

“Waxey aheyd faaruq, laba arrin ayey aheyd waxa ka dambeeya midna waa garsooraha midna waa jahawareerka guud ee kulanka iyadoo aysan jirin wax dagaal iyo madadaalo fiican ah”

“Laga yaabee iney i jecel yahiin sababtoo ah waxaan mar walba sheegaa in jamaahiirta iyo garoonkaba ay mar walba yahiin kuwa qurux badan”

Dhanka kale Mourinho hal kulan ayuu ganaax la kulmay kadib markii uu dhalo tuuray kulan ka tirsan Premier League, waxeyna la ciyaareen West Ham.

Lama oga go’aanka ay ka qaadan doonaan FA-ga iyadoo ay tahay waxyaabo lagu ciqaabi karo macalinka reer Portugal.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook