“Khudbada Madaxweyne Farmaajo ma ahayn mid isku dheelitiran”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowlada Soomaaliya ayaa bartiisa twitterka waxa uu soo dhigey qoraal uu ku cabirayo fikirkiisa ku aadan qudbadii maanta uu ka jeediyay Madaxweyne Farmaajo furitaanka kalfadhiga 3-aad ee baarlamaanka.

Qoraalka uu soo dhigey barta Twitterka ayuu ku sheegay in qudbada madaxweynaha aysan isku dheelitirneyn.

“Inkasta uu marar badan hadalka ka istaagay, Khudbada Madaxweyne Farmaajo uu labada Aqal maanta ka hor jeediyey ma ahayn mid isku xiran, dheelitiran, biyadhacna leh. Kamana uusan hadal,Sanadkii tegey wixii ina soo maray 2- Nooma tilmaamin halka aan u socono 3- Sooma na qaadin Arrimaha xasaasiga ee taagan. Madaxweynuhu wuxuu ka digay in dalkeena lagu soo xadgudbo ee ma sheegin in xadgudub dhacay oo laga xisaabtamayo”
Qoraalka ayaa sidoo kale Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku sheegay in hadii golaha Wasiirada Soomaaliya ay go’aan ka soo saaraan heshiiskii dekada Berbera uu Madaxweyne Farmaajo uu noqonayo mid masuuliyadisii gabay.

“Maadaama uusan madaxweynuhu mowqifkiisa cadaynin, haddii shacabka beri loo sheego in Golaha Wasiirada ay go’aan soo saareen, waxaan u qaadanaynaa in madaxweynuhu mar kale masuuliyadisii gabay”ayuu ku soo gunaanuday qoraalkiisa siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakur.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook