Liverpool Oo Tikidhka U Goosatay Wareega Siddeed Dhamaadka UEFA Champions League +SAWIRRO

Kooxda Liverpool ayaa u soo baxday siddeed dhamaadka UEFA Champions League kadib markii ay barbaro gool la’aan ah Anfield kula gashay kooxda FC Porto. Jurgen Klopp oo ka fikirayay kulakna Manchester United ee Old Traffrod ayaa isbadalo badan ku sameeyay shaxdiisa isaga oo maanka ku hayay in shaqadii ugu badnayd ay kooxdiisu ku soo qabtay kulankii lugtii hore ee Portugal ka soo dhacay.

Liverpool ayaa kulankan guul gaadhi kartay iyada oo Sadio Mane uu qaybtii hore kulankan uu darbo cajiib ah birta ku garaacay ahlka uu sidoo akle lumiyay fursad kale oo gool dhalineed. Deja Lovern ayaa sidoo kale helay fursad gool madax ah uu ku dhalin karayay.

James Milner iyo Roberto Firmino ayaa sidoo akle helay fursado fiican laakiin kooxda Jurgen Klopp ayaa sii xejisatay rekoodhka fiican ee ay xili ciyaareedkan kaga soo jirtay UEFA Champions League iyada oo kulankii siddeedaad oo xidhiidh ah aan wax guuldaro ah la kulmin.

Liverpool ayaa rekoodhkan la wadaagta kooxaha Tottenham iyo Barcelona waana saddexda kooxood ee kaliya ee aan xili ciyaareedkan wax guuldaro ah kula kulmin UEFA Champions League.

Waa markii ugu horaysay ee ay Liverpool soo gaadhay siddeed dhamaadka UEFA Champions League tan iyo xili ciyaareedkii 2008/09 markaas oo ay Chelsea soo reebtay laakiin Jurgen Klopp ayaa soo celiyay sumcadii ay Reds ku lahayd kooxda UCl.

Liverpool iyo Real Madrid ayaa noqday labadii kooxood ee ugu horeeyay ee u soo baxay wareega siddeed dhamaadka waxaana hadhsan lix kooxood oo ka soo bixi doona kulamada soo socda ee la ciyaari doono.

Si kastaba ha ahaatee, Liverpool ayaa wadarta labadii kulan ee wareega 16ka kooxood ee UEFA Champions League ku soo baxday 5-0 waana isla natiijadii kulankii lugtii hore ee ay xasuuqa soo gaysatay.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook