Man City Oo U Soo Baxday Siddeed Dhamaadka Champions League +SAWIRRO

Kooxda FC Basel ayaa guul sharafeed ku gaadhay Etihad Stadium inkasta oo ay Manchester City u soo baxday siddeed dhamaadka UEFA Champions League. Guardiola oo kulankan nasiyay ciyaartoyda muhiimka ah ee kooxdiisa ee ay ka midka yihiin Kevin De Bruyne,Ederson, Sergio Aguero, Ederson iyo David Silva ayay kooxdiisu guuldaro 2-1 ahi ka soo gaadhay Basel balse wadarta labada kulan oo 5-2 ah ayay City ku soo gudubtay.

Manchester City ayaa Etihad Stadium ku soo dhawaysay kooxdii ay Switzerland ku soo gumaaday ee FC Basel oo ay 4-0 ugu soo awood sheegatay wuxuuna Guardiola isaga oo fahansan in kooxdiisu ay shaqadii ugu badnayd soo qabtay uu shhaxdiisa ku sameeyay isbadalo si uu ciyaartoy aan fursad helin uu UEFA Chamapions League uga ciyaarsiiyo isla markaana uu kuwo kale nasiino u siiyo.

DAQIIQADII 8 AAD Manchester City ayaa xaalada ku sii xumaysay FC Basel waxaana markiiba goolka furitaanka Sky Blues u saxiixay da’yarka qaab ciyaareedkiisii fiicnaa raadinaya ee Gabriel Jesus wuxuuna xidiga ree Brazil goolkan ku dhaliyay kubbad caawin uu ka helay Bernardo Silva oo hadda ka mid noqotay xidigaha uu Guardiola ku raaxaysanayo qaab ciyaareedkooda iyada oo natiijada ciyartu noqotay 1-0 ay City hogaanka ku qabtay.

DAQIIQADII 17 aad FC Basel oo kulankii garoonkeeda ku fashilantay in ay hal gool dhaliso ayaa awooday in ay Etihad Stadium shabaqa ku soo taabto waxaana goolka barbaraha u keenay M. Elyounoussi oo si degan kubbad ugu hubsaday shabaqa uu Bravo ilaalinayay waxayna ciyaartu noqotay barbaro 1-1 ah.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbaro 1-1 ah oo ay wali Manchester City ku haysatay farqi wayn oo natiijadii kulankii hore ah laakiin Basel ayaa dagaal ugu jirtay in ay natiijo fiican hesho xataa haddii ayna soo baxayn.

DAQIIQADII 71 AAD FC Basel heshay goolka labaad ee ay guusha kaga gaadhay Manchester City waxaana goolkan u saxiixay M. Lang kaas oo ciyaarta ka dhigay 2-1 ay Basel hogaanka ciyaarta ugu qabtay.

nkasta oo ay Manchester City dadaal u samaysay in ay soo laabto waxay awoodi wayday in ay ka baaqsato guuldaro waxayna guu danbayn ciyaartu ku dhamaatay 2-1 ay Basel ku gaadhay guul ay kaga baxsatay niyadjab kale oo ay City kala kulanto laakiin kooxda Guardiola oo hore FC Basel dhaawac wayn u soo baay kulankii hore ayaa u soo baxday siddeed dhamaadka UCL waxayna kula biiray kooxaha Liverpool, Real Madrid iyo Juventus.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook