Mario Balotelli oo ku laaban doono Horyaalka Talyaaniga

Weeraryahanka xulka qaranka Talyaaniga iyo kooxda Nice Mario Baloteli ayaa hoosta ka xariiqay in uu qadarin doono dalab walba oo kaga yimaada kooxaha ka ciyaara Italian Serie A.

Wakiilka Baloteli Mino Riola ayaa todobaadkii la soo dhaafay sheegay in tiro kooxo ah oo ka ciyaara dalka Talyaaniga ay aad u daneynayaan weeraryahankii hore ee Liverpool Baloteli.

27 jirkan ayaa Rai Sport u sheegay in uu maanka ku hayo in uu markale oo uu ka xamaasho Talyaaniga oo uu mar ka soo ciyaaray.

“Wakiilkeyga Riola, waxa uu ka taxadarayaa mustaqbalkeyga ciyaareed, waxa aan ogahay ayaa ah inaan jeclahay Talyaaniga xaqiiqda qarsoomi doonin ayaa ah in aan ku laaban doono Serie A”.

Waxaan u maleynayaa in ay adkaan doonto inaan ku laabto Milan, waxay noqon doontaa markeygii sadexaad, laakiin Juventus iyo Napoli waa laba kooxood oo aan jeclahay”.

Baloteli, wuxuu Premier League kula guuleystay Manchester City, sidoo wuxuu waqti England kula soo qaatay Liverpool oo uu ku fashilmay in uu ka soo dhexmuuqdo.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook