Mohamed Salah Waxa uu ka fiicanyahay Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo

Cayaaryahankii hore ee kooxda Liverpool Ian Rush ayaa sheegay in Cayaaryahanka dalka Masar ee Mohamed Salah uu la midyahay ama ka fiicanyahay Cayaartoyda Caalamka ugu fiican eek ala ah Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Ian Rush oo waraysi siiyey Sky Sports News.ayaa sheegay in Liverpool ay haysato xiligaan dheeman kaas oo ah ayuu yiri Mohamed Salah waa Gool dhaliye Cajiib ah Farsamo badan deeqsi ah asluub leh isla markaana samayn karaya wax kasta oo uu doono.

Mohamed Salah oo Liverpool ka soo qaadatay kooxda Roma ayaa hada Hogaaminaya Gool dhalinta Premier League isaga oo dhaliyey 28 Gool oo uu 4 ka mid ah hal kulan ka dhaliyey kooxda Watford waxaana uu dalabyo lacag badan ka haysta kooxo waa weyn oo Real Madrid ugu horeyso.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook