Muuse Biixi oo la kulmay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Imaaraadka Carabta+Video

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo booqasho rasmi ku jooga magaalada Abu Dhabi ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Imaaraadka Carabta ahna Wasiirka Madaxtooyada Sheekh Mansoor Bin Zayed.

Labada masuul ayaa kulankooda waxa ay uga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka Imaaraadka Carabta iyo Maamulka Somaliland, xilli ay taagan tahay xiisadii ka dhalatay heshiiskii Dekada Berbera.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Barta uu lu leeyahay Twitter-ka waxa uu ku qoray in kulankas looga hadlay arrimo la xiriira Imaaraadka iyo Somaliland kaliya.

“Kulankeena waxa uu ahaa mid an uga wada hadalnay wadashaqeynta labadeena iyo sidii loo xoojin lahaa oo ujeedka safarkeena ee Imaaraadka uu ku qotomay, waxaana uu ku dhamaaday isf-afgarad” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi.

Safarka Madaxweyne Muuse Biixi iyo martiqaadka Imaaraadka Carabta u fidisay ayaa jawaab u ah tallaabadii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu dalka kaga mamnuucay shirkada DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta.

Xiriirka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa mugdi ku jira, iyadoo la rumeysan yahay in arrimaha socda ay qeyb ka yihiin xiisada Khaliijka.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook