Senator Dufle” Ciidamo waa naloo tababari jiray laakiin dhibaatada waa Imaaraadka Carabta”+VIDEO

Senator Cusmaan Maxamuud Dufle oo maanta Khubad ka jeediyay xarunta Aqalka sare ee magaalada Muqdisho ayaa si aad ah ugu dheeraaday weerarkii lagu qaaday 31-ka bishi December ee sanadkii tagay 2017dii guri uu magaalada Muqdisho ka degan yahay Senator C/qeybdiid.

Wuxuu sheegay inuu saluugsan yahay Guddigii loo saaray baaritaanka Kiiska,oo wali aan ku guuleysan iney warbixin sax ah soo gudbin ilaa iyo hadda oo mudo laga joogo weerarka.

Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaaraha ayuu ku amaanay iney dowr shariif ah ka qaateen maareynta Weerarkaasi.

Sidoo kale, Senator Cusmaan Maxamuud Dufle ayaa dhaliilay hanaanka Ciidamada Soomaalida ee tababarka ay siiyaan dalalka Shisheeye oo aan ka ahyn daacad oo dano gaar ah ka leeyihiin.

“Imaaraadka carabta in dhibaatooyinka meelaha ka jira ay tahay meelahaasi,Dowlad dhexe ayaa jiri jirtay oo Dowladdii kacaanka ah sidaan la wada socono,waxaa jiri jiray Dowladda ama Ciidamada Qaranka Dowlado kala duwan ayaa tababar u sameyn jiray oo ka mid yahay Talyaaniga,Ruushka,Masar,Ciraaq iyo dalal kale,laakiin waxaa wali la arag mudadaasi ciidan loo nisbeynayo oo la leeyahay ciidankaasi waa Ciidanka Talyaaniga waa Ciidanka Ruushka ma dhicin,waxaana mudadan danbe la arkay,”

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook