Tareen isku xiraya Finland iyo Finnmark oo lasameeyay

– Khadka tareen ee isku xiraya Filand iyo waqooyiga Norway oo fursad u noqon kara horumarka dhulka waqooyiga sidaas waxaa yiri wasiir Ketil Solvik-Olsen (Frp).

Wasiirka gaadiidka Ketil Solvik-Olsen ayaa tilmaamay in khadka tareen ee isku xiraya Finland yo Finnmark uu xaqiiqoobay isla markaana fursad qaali ah u yahay labada dal iyo dadkooda.

– Khadkan tareen ee xiriirnaya Finland iyo waqooyiga Norway wuxuu fursad weyn u yahay horumarka deegaanada waqooyiga.
Finland waxay soo jeedisay inay samaynayaan koox guddi ah oo ka fekeraya sidii loo hirgelin lahaa tareen kale oo isku xiraya magaalooyinka Rovaniemi iyo Kirkenes,waana taageeraynaa kooxdan ayuu ku yiri Solvik-Olsen war saxaafadeed kasoo baxay dowladda maanta.

In la sameeyo Khad tareen oo xiriiriya labada magaalo wuxuu qaadanayaa 465 km oo dherer ah, balse dowladda Finland waxay muujisay inay rabto hirgelinta khadkaas, waxaana khadkan ugu yaraan ku baxaya 10 bilyan oo krone.

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook