Xildhibaano ku dhawaaqay in Jawaari uusan aheyn Gudoomiyaha Barlamaanka +VIDEO

Xildhibaanadii Mooshinka ka gudbiyay Gudoomiye Jawaari ayaa caawa soo saaray war cusub oo ku aadan qaabkii loo fashiliyay mooshinkii ay gudbiyeen.

Xubnaha Xildhibaanadaas ayaa sheegay in gudoomiye Jawaari uu afduubay xildhibaanada dowlada sidaas darteed uu isku bad baadiyay.

Waxaa ay xildhibaanadan sheegeen in Jawaari uusan ahaan doonin gudoomiyaha baarlamaanka inta sharciga loo hogaansamayo oo dooda mooshinka la gudbiyay baarlamaanku ka doodayo.

“Ilaa doodu ay furanto oo ay xildhibaanadu ka doodaan mooshinkan, Jawaarie ma ahan gudoomiyaha Baarlamaanka”ayuu yiri Cabdi Cali oo kamid ah xildhibaanada shirka qabtay.

Gudiga joogtada ah ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa shir deg deg ah ku sheegay in xildhibaano gaaraya 107 mudane ay saxiixeen mooshinka Jawaari, laakiin ay ka laabteen 16 ka mid ah sidaas darteed ay mooshinka kusoo hareen 91 xildhibaan, waxaase sharci ahaan mooshin xil kala noqosho ah gudoomiye Jawaari kusoo rogi kara 92 xildhibaan.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook