AKHRISO Sida loo kala sarreeyo tartanka loogu jiro abaal-marinta Kabta Dahabka ah ee Yurub – Messi iyo Salah oo isku dheggan

Waxaa meel sare maraya tartanka loogu jiro abaal-marinta Kabta dahabka ah ee Yurub oo la siiyo ciyaaryahanka goolasha ugu badan ka dhaliya Yurub.

Tartanka ugu adag waxa uu dhex yaalaa laacibka kooxda Barcelona ee Lionel Messi iyo xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah.

Kaddib markii uu xalay Lionel Messi saddexleey ka dhaliyey Deportivo Le Coruna, waxa uu ka sare maray xiddiga haysta diinta Islaamka ee Mohamed Salah.

Xiddiga xulka qaranka Argentina ee Leo Messi ayaa xalay noqday ciyaaryahanii ugu horreeyey ee taariikhda La Ligaha Spain 30 gool ama ka badan ka dhaliya todoba xilli ciyaareed oo kala duwan.

Waxaana uu Messi sidaas ku dhaliyey xalay goolkiisii 32-aad, halka Mohamed Salah uu leeyahay 31-gool isla markaana uu hal gool oo qura ka dambeeyo Messi.

Xiddiga saddexaad ee ugu goolasha badan waa Ciro Immobile kaasoo dhaliyey 29 gool, halka Robert Lewandowski uu ku jiro kaalinta afaraad isagoo leh 28 gool.

Waxaa liiskan halka hoose ka hoggaaminaya Mauro Icardi iyo Edinson Cavani kuwaasoo wadaa min 27 gool.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook