Antonio Conte oo laxaqiijiyay inuu Ka Tegayo Chelsea

Kaddib guul-darradii Axaddii ay Chelsea kala kulantay Tottenham, waxa dib usoo cusboonaaday hada-hayntii ahayd wakhtiga shaqada laga caydhinayo tababare Antonio Conte.
Chelsea waxay quus ka joogtaa ka qayb-galka tartanka Champions League ee xili ciyaareedka dambe, waxaana ay noqonaysaa in kooxdii haysatay horyaalku ay sannadkii xigtay ku dhacdo kaalinta shanaad, taas oo la mid ah sidii Leicester City u duntay mar kaliya oo kale.
Guushii ay Tottenham ku gaadhay garoonka Stamford Bdrige, waxay tii ugu horreysay ee tan iyo sannadkii 1990-kii ay Spurs 3-1 ku garaacdo Blues oo garoonkeeda joogta, isla markaana ay siddeed dhibcood kaalinta afraad kaga qabato iyadoo toddoba ciyaarood oo kali ahi ka hadhsan yihiin xili ciyaareedkan oo dhamaad ah.
Ciyaartoygii hore ee Chelsea, Vialli oo ka hadlay guul-darradan Chelsea ee u dambaysay ayaa waxa uu sheegay in Conte uu doonayo inuu iskaga tago Chelsea, sababtoo ah inuu ku dhibaatooday.
“Conte waxa uu sugi kari la’yahay inta uu ka tegayo Chelsea” Sidaas ayuu yidhi Vialli oo u warramayey Sky Sport Italia.

Vialli waxa uu sheegay in Chelsea ay u baahan tahay inay hesho tababare kasoo ciyaaray kooxda oo dareema xanuunka guul-darrada, sidaas daraadeedna uu Conte shandaddiisa usii xidhxidhay.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook