Baladweyne Darbi soo dumay oo sababay dhimasho iyo dhaawac +Sawiro

Hal ruux ayaa ku dhintay toddobo kalana waa ku dhaawacmeen kadib markii uu ku soo duumay darbi ku yaala suuqa xoolaha ee magaalada Baladweyne.
Qofka dhintay ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa dadka rara xoolaha halka kuwa dhaawacmeyna ay iskugu jireen dad xoolo keenay suuqa iyo kuwa dilaala.

Dadka ku dhaawacmay darbigan ku soo duumay ayaa la dhigay xarumaha caafimaad ee ku yaala magaalada Baladweyne si loo dabiibo xaaladooda caafimaad.

Darbiga soo duumay ayaa la sheegay in dhararkiisa uu yahay labo mitir islamarkana ay hoos fadhiyeen dadkan ku dhaawacmay iyo mid ka ku dhintay.

Todddobaadkii la soo dhaafay ayaa magaalada Muqdisho waxaa ku geeriyooday 2 ruux halka qaar kalana ay ku dhaawacmeen kadib markii uu ku soo dumay guri ay dhisayeen.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook