C/wali Gaas “Imaaraadka Carabta cid nooga fiican ma jirto+COD

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa sheegay in Soomaaliya xiriirka ugu weyn ay la leedahay Imaaraadka Carabta, isagoo waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegaya in saraakiil Imaaraad ah lagu qash-qashaaday Garoonka Boosaaso.

C/wali Gaas ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta uu xiriirkooda mid qiimo gaar ugu fadhiyo iyo qadarin, isla markaana ay wadaagaan xiriir xag amni, ganacsi iyo dhaqan soo jireen ah.

Waxaa uu sheegay in ciidan gaaraya illaa labo kun askari oo ka howl gala Puntland ay u tababareen, kuwaasoo ka howl gala Barriga iyo Badda, isla markaana ka qeyb qaata howl galada la dagaalanka burcad badeedka iyo xagjirnimada.

C/wali Gaas ayaa sheegay in ciidankaas ay tababareen Imaaraadka Carabta ay yihiin ciidan leh qalab isku filan oo qalabkooda dhameystiran yahay, isla markaana uu akhlaaqdooda wanaagsan tahay, kuna sugan Garacad illaa Boosaaso, lana dagaalamayaan Daacish, Al-Shabaab iyo Burcad badeedka sida uu yiri.

Madaxweynaha Puntland ayaa ka codsaday Imaaraadka Carabta inay joogaan oo ay sii wadaan tababarka iyo taageerada ay siiyo Cidamada, isla markaana ay sii laba jibaaraan.

“Difaaca ugu horeeyay ee Soomaaliya waa Puntland, dhib kasta cida wajaheysa oo ka hor imaanaysa waa Puntland, haddii Puntland Difaacaan waa Soomaaliya ayay difaac u yihiin, Imaaraadka Carabta waxaa ka codsanayaa in ciidanka tababarkiisa ay sii wadaan, oo ay joogaan, howsha taageerada ciidan waxaa ka dalbaneynaa inay sii laba jibaaraan”ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Waxaa uu sheegay in Imaaraadka Carabta ay howl maalgelin iyo mashaariic ka wado Puntland, kuwaasoo ku baxaya boqolaal milyan oo ay ku maalgelinayaan ballaarinta Dekeda Boosaaso iyo mashaariic kale oo ay ku jiraan dhismaha waddooyin.

“Imaaraadka Carabta wey muuqataa taageerada milateri ee Soomaaliya ama Puntland ay siinayaan, hadii ay tahay xiriirka ganacsi iyo maalgelinta, taas ayaa noo cadeyneysa in cid noo bedeli karta ama noola siman in aysan jirin”ayuu yiri C/wali Gaas.

C/wali gaas ayaa sheegay in wixii qaladaad dhacay uu ka bixinayo cudur daar iyo raalli gelin, isla markaana Imaaraadka Carabta ay yihiin saaxibo, lana shaqeynayaan.

“Waxaa rabaa arrimo maalmo dhoweyd baraha bulshada ka socotay oo ahaa kuwo been abuur ah, ciidamo baxay iyo diyaarad laga celiyay ma jirto, warkaasna sax ma ahan”ayuu yiri C/wali Gaas.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa booqday Xerada Ciidamada PMPF ee ay tababareen Imaaraadka Carabta, waxaana kormeerkiisa ku wehliyay Senator ka tirsan Aqalka Sare, waxaana dhankooda ay muujiyeen muhiimada xiriirka Imaaraadka Carabta.

Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqay inuu joojiyay howshii tababarka ciidamada iyo taageerada ay siin jireen, kaddib markii uu xumaaday xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya, waxaana Imaaraadka cambaareysay dhacdadii 8-dii bishan ka dhacday garoonka Muqdisho, halkaasoo diyaarad laga lahaa Imaaraadka Carabta lagu xanibay iyo lacago mallaayiin doollar oo ay ciidamada ammaanka ku qabteen, lacagtaasoo ay sheegeen Imaaraadka Carabta in loogu tala galay mushaar siinta Ciidamada ay tababareen.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook