Ciidanka dab damiska Hargeysa oo Suuli ka soo dhex saaray Haweeney 35-sano jir ah+VIDEO

Ciidamada Dab Damiska ee Magaaladda Hargeysa ayaa gurmad dheer ka dib ku guulaystay in ay haweenay ka soo saaraan Suuli uu dhererkiisu yahay 7m oo ay ku dhacday.

Taliyaha Ciidamada Dabdamiska Axmed Sawaaxili oo warbaahinta ugu waramayay Hargeysa ayaa sheegay in gurmadkaasi ay ku guulaysteen in ay ka soo saaraan haweenaydaasi Suuligii ama xamaamkii ay ku dhacday.

“Anaga oo subaxnimadii tababar ku jirna ayaa naloogu yeedhay gurmad, waxaana nalagu yidhi gabadh ayuu suuli la go’ay oo ay ku dhacday, markiiba gurmad ayaanu qaadnay muddo saddex daqiiqo ah ahna waanu ku gaadhnay, waxaanan ugu tagnay Gabadh da’deedu tahay 35 oo xamaam ku dhex jirta” ayuu yidhi Taliyaha Ciidamada Dab Damiska Somaliland.

“Xamaamka ay gabadhu ku dhex dhererkiisu waxa uu ahaa 7 mitir, wasakhdii iyo biyihii ku jiray xamaamku waxa uu gabadhaasi u joogsaday ilaa luqunta” ayuu yidhi

Waxa uu fariin u diray shacabka oo uu xasuusiyay in marka ay dhacdooyin la mid ta saaka dhacday oo kale ay la kulmaan in ay u soo qaylo doon dirtaan ciidamada dab damiska “Markii hore dadweynaha ayaa is yidhi ka soo saara, laakiin markii ay u taag waayeen ayay anaga nala soo hadleen, waxaanan shacabka uga digayaa dhacdooyinkaas oo kale marka ay la kulmaan in ay noo soo qaylo doon diraan” ayuu yidhi

Wuu sii watay hadalkiisa waxaanu ka sheekeeyay waxyaabihii ay arkeen markii ay gaadheen goobtii uu shilku ka dhacay “Markii aan meeshii tagnay waxa aanu aragnay caruurtii ay dhashay oo ooyaysa, odaygii qabay oo wadne xanuun iyo Gaastari qaba oo meel ku suuxsan, ugu danbayna gabadhii oo nool oo aanay waxba ku dhicin, ayaanu meeshii ka soo saarnay, isla markiibana waxa aanu geynay cusbitaalka iyada oo aan waxba qabin, marka laga yimaado madaxa oo ay ka yara cabanaysay.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook