DAAWO:Imaaraadka Carabta oo deegaanada P/land laga cayriyay

Sidda ay inoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah Shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso Hawlwadeeno, madax iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta ka Ambabaxay Boosaaso, waxaana la sheegay in ay dalkooda dib ugu laabteen.

Saraakiisha Maanta ka duushay garoonka Boosaaso ayaa la sheegay in ay aad u badnaayeen , islamarkaana loo fahmikaray horudhac guurid.

Waxaa la sheegay in ay ka shaqeyn jireen tababarka iyo taakulaynta ciidamada bilayska badda Punland ee PMPF (Puntland Maritime Police Force) ,islamarkaana ay mushaarkooda bixin jireen.

Waxaa sidoo kale ay qaateen qalab yaallay garoonka waxaana ay ka tageen agabkii ciidan ee ka yaallay Puntland.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Puntland oo ku aadan in maanta garoonka ay ka ambabaxeen Saraakiil u dhalatay Imaaraadka Carabta.

Waxaa sidoo kale jira in Muddo Saacado ah lagu xanibay Garoonka Magaalada Bosaaso diyaaraddii ay raaci rabeen ka dib markii ay baaris diideen.

Ciidamada Ammaanka ayaa Dhawaan gacanta ku dhigay lacag dhan 9.6 Milyan oo doolarka Mareykanka oo Imaaraadka ay wateen laguna qabtay Garoonka Aadan Cadde, inkastoo Imaaraadka ay sheegeen inay aheyd lacag loo waday Ciidamada Imaaraadka ay tababaraan.

Xiriirka Imaaraadka iyo dowladda Soomaaliya ayaa xumaaday wixii ka dambeeyay, markii Garoonka Aadan Cadde lagu qabtay lacagta Imaaraadka ay lahaayeen.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

One thought on “DAAWO:Imaaraadka Carabta oo deegaanada P/land laga cayriyay”

  1. Nuurkanederland says:

    BAAREEY GUUR SAXANKAAGANA LAGUUR

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook