Dhagxaantii lagu gooyay jid-cadayaasha Wadada wadnaha oo loo wareejiyay Wadada Warshadaha

Waxaa markii u horeysay dhagxaanta lagu xiro jidadka lagu arkay Wadada Warshadaha, iyadoo baro koontarool oo lagu sugayo amniga ay ka sameysteen ciidamada loo yaqaano Xasilinta Caasimadda oo maalmo ka hor laga raray Wadada Maka Al-Mukarama.

Saraakiisha ammaanka ayaa laga soo xigtay in qorshahan uu yahay mid la doonayo in amniga laga sugo duleedyada magaalada iyo goobaha ka fog fog xarumaha dowladda, waxaana ciidankii laga raray waddooyinka la geeyay duleedyada magaalada iyo waddooyinka cirifka fog.

Dhagxaanta lagu jaray Jid cadayaasha Xaafadaha ee Wadada Wadnaha ayaa laga qaaday, iyadoo sanad ku dhow ay jid cadayaasha xirnaayeen, halka kaliya ee furan ay aheyd waddooyinka laamiga.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa sheegay in dhagxaanta la qaado in meel kale la geeyo uu yahay go’aan amni, waxaa uu xusay in dhagxaanta aanay amni sugin, balse ay ka qeyb qaataan sugida amniga.

Shacabka ku dhaqan degmooyinka ku teedsan Wadada Wadnaha ayaa dhibaato badan ku qabay xirnaanshaha waddooyinka jid cadayaasha, iyadoo xaafado isu dhow tagidooda ay dadka ku qaadan jirtay wareeg dheer.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook