Dhalinyaro Qaati ay ka taagnaayeen Shacabka degmada Warta-Nabada oo gacanta lagu dhigay

Maamulka degmada Warta-nabada ee Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay Laba Ruux oo dhallintayo ah kuwaassi oo lagu eedeeyey in ay dhac u geysanayeen Shacabka ku nool xaafado ka tirsan degmadaasi.

Raggaan lasoo bandhigay ayaa watey Bistoolado been abuur ah oo laga sameeyey Alwaax, waxaana sidoo kale goobta lagu soo bandhigay qaar ka mid ah taleefannadii ay dadka shacabka ah ka dhaceen.

Goobta lagu soo bandhigayay raggaan waxaa ku sugnaa guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho C/raxmaan Yariisow, guddoomiyaha degmada Warta Nabadda Seynab Maxamuud Warsame iyo saraakiil ciidan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook