Dowlada Qatar oo 30-Basaska Casriga ah ku Wareejisay Maamulka Gobalka Banaadir+SAWIRRO

Dowladda Qatar ayaa maanta 30 Gaadiidka waaweyn ee Basaska ah ku wareejisay Maamulka Gobolka Banaadir iyo dowladda Federaalka ah.

Mas’uuliyiin ka kala socda Gobolka iyo Dowladda Qatar ayaa Gaadiidkan Basaska ah ku kala wareegay Gudaha Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiinta Gobolka Banaadir ee ka qeybgalay Munaasibadda ayaa dowladda Qatar uga mahad celiyay taageerada dhinac walba leh ee ay la garab joogto Soomaaliya.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa 17 ka mid ah Gaadiidkan leh iyada oo inta soo hartay loo qeybinayo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah.

Gaadiidkan waxaa adeegsanaya Dowladda hoose ee Muqdisho,waxaan Basaska dhaadheer,iyada oo horay sidan oo kale Maamulka Gobolka Banaadir uu Gaadiid uga helay Waddamada Imaaraadka,Turkgiga iyo kuwo kale oo taageera Dowladda Federaalka ah.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook